Xasan Sheekh iyo Nicholas Kay oo ka shirey Higsiga 2016

Image

April 7, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Nicholas Kay.

Labada mas'uul ayaa ka wada hadley xaaladda siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan dardar gelinta barnaamijyda Hiigsiga 2016  iyo dib u heshiisiinta , hawlgallada ka dhanka ah Al Shabaab iyo arrimo kale.

Madaxweynha ayaa sheegay in xukuumadda, baarlamanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshaduba ku guda jiraan hawlo kala duwan oo la doonayo in lagu xaqiijiyo Hiigsiga 2016-ka, isagoo intaas raaciyey in rajada la qabo hirgelinta yoolka 2016 ay tahay mid wanaagsan.

Danjire Nicholas Kay ayaa isna soo dhoweeyay horumarka laga sameeyey dhanka siyaasadda  isagoo xusey in Qaramada Midoobey ay go'an tahay sidii Soomaaliya u noqon lahaa dal xasilloon oo dimuqraadi ah.

Beesha caalamka ayaa cadaadis ku saareysa Dowladda Federaalka inay hirgeliso Higsiga 2016 xilli cabsi laga qabo in dowladdu waqtiga kororsato.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM