Xasan Sheekh: La dirirka musuqu kaliya ma aha waajib akhlaaqi ah
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiista maanta ah waxa uu soo dhaweeyay qaraarka ay maanta ku ansixiyeen Golaha Wasiirradu shirkooda todobaadlaha.
Qaraarkaas ayaa ku saleysan "adkeynta tallaabooyinka lagu xaqiijinayo hufnaanta hanaanka maaliyada iyo tayo-soorka shaqaalaha, si looga hortago musuqa loona taabo galiyo xafiisyo dawladeed oo u shaqeeya dalka iyo dadka".
Villa Soomaaliya ayaa tiri: "Qaraarka Golaha Wasiirradu waxa uu adkeynayaa, soona rogayaa halbeegyo la tacaalaya howlaha muhiimka ah, daahfurnaanta iyo isla-xisaabtanka, iyadoo lasoo bandhigayo hantida masuuliyiinta qaranka, la kobcinayo awoodda hirgalinta, lana balaarinayo shaqaaleynta ku dhisan tayo-soorka".
Sidda ku xusan war-saxaafadeedka, madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay sidda ay uga go'an tahay in Soomaaliya ay noqoto meel si dhab ah uga caagan musuqmaasuqa.
“La dagaalanka musuqu ma aha kaliya waajib akhlaaqi ah, ee waxa uu, sidoo kale, halbeeg u yahay Soomaaliya ku naalloota horumar waara, cadaalad iyo sinaan," ayuu tibaaxay.
Isaga oo hadalkiisa sii wata, Xasan Sheekh ayaa tibaaxay: "Sidaas darateed, waxaa naga go’aan inaan dhisno hanaan daah-furan, isla xisaabtan leh oo uu adeega shacabka Somaliyeed".
Tan iyo markii ay gashay qalalaase siyaasadeed kadib dagaalkii sokeeye ee 1991-dii, Soomaaliya ayaa waxay kaalmaha hore uga jirtay wadamadda ku sumadoobay musuqmaasuqa iyo xatooyada xoolaha dadka.
GAROWE ONLINE