Xasan Sheekh: La dirirka musuqu kaliya ma aha waajib akhlaaqi ah

Image
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay qaraarka ay maanta ku ansixiyeen Golaha Wasiirrada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiista maanta ah waxa uu soo dhaweeyay qaraarka ay maanta ku ansixiyeen Golaha Wasiirradu shirkooda todobaadlaha.

Qaraarkaas ayaa ku saleysan "adkeynta tallaabooyinka lagu xaqiijinayo hufnaanta hanaanka maaliyada iyo tayo-soorka shaqaalaha, si looga hortago musuqa loona taabo galiyo xafiisyo dawladeed oo u shaqeeya dalka iyo dadka".

Villa Soomaaliya ayaa tiri: "Qaraarka Golaha Wasiirradu waxa uu adkeynayaa, soona rogayaa halbeegyo la tacaalaya howlaha muhiimka ah, daahfurnaanta iyo isla-xisaabtanka, iyadoo lasoo bandhigayo hantida masuuliyiinta qaranka, la kobcinayo awoodda hirgalinta, lana balaarinayo shaqaaleynta ku dhisan tayo-soorka".

Sidda ku xusan war-saxaafadeedka, madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay sidda ay uga go'an tahay in Soomaaliya ay noqoto meel si dhab ah uga caagan musuqmaasuqa.

“La dagaalanka musuqu ma aha kaliya waajib akhlaaqi ah, ee waxa uu, sidoo kale, halbeeg u yahay Soomaaliya ku naalloota horumar waara, cadaalad iyo sinaan," ayuu tibaaxay.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Xasan Sheekh ayaa tibaaxay: "Sidaas darateed, waxaa naga go’aan inaan dhisno hanaan daah-furan, isla xisaabtan leh oo uu adeega shacabka Somaliyeed".

Tan iyo markii ay gashay qalalaase siyaasadeed kadib dagaalkii sokeeye ee 1991-dii, Soomaaliya ayaa waxay kaalmaha hore uga jirtay wadamadda ku sumadoobay musuqmaasuqa iyo xatooyada xoolaha dadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM