Xasan Sheekh: Mareykanku waa saaxiib istiraatiji u ah Soomaaliya

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay kadib la kulanka dhigiisa Joe Biden.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qaybgalay martiqaad uu ku maamuusay Madaxweynaha Dowladda Maraykanka, Joe Biden.

Xasan Sheekh ayaa Mareykanka wuxuu u tagay ka qeybgalka shirka 77aad ee golaha loo-dhan-yahay ee Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa halkaasoo uu ka hadlay.

Sida laga soo xigtey Villa Soomaaliya, madaxweynaha ayaa "ku bogaadiyey dowladda Maraykanka doorka ay ka qaadanayso dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab oo caqabad ku ah nolosha iyo horumarka dadka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Gobolka".

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo iskaashanaya ay dalkooda ka xoreynayaan argagixisada, haatanna ay wadaan dagaal naf-hurnimo iyo geesinimo ah oo ka socda deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada Alshabaab, taasina ay u baahan tahay garab istaag iyo taageero caalami ah," ayay raacisay.

Dhankiisa, Xasan Sheekh oo qoraal kooban ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa shaaca ka qaadey "in ay sharaf u tahay in uu casuumay madaxweynaha Mareykanka".

"Mareykanku waa saaxiib istiraatijiyadeed oo u ah Soomaaliya xasiloonideeda iyo horumarkeeda, kaasoo aan ka rajeyneyno inaan sii wanaajino xiriirka laba geesoodka ah si aan u horumarino nabadda gobolka," ayuu xusay.

In ka badan 300 askar Ameerikaan ah ayaa u joogta Soomaaliya la dagaalanka maleyshiyaadka Al-Shabaab. Duqeymo ayay ku beegsadaan furimaha argagixisadda halka ay tababaraan ciidamada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM