Xasan Sheekh: Al-Shabaab waa kansar nagu dhex-jira

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in "kooxdan qowleysatada ahi" ay caqabad ku tahay horumarka dalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo maqaal uu qoray lagu daabacay warbaahinta ku hadasha dowladda ayaa maleyshiyaadka Al-Shabaab wuxuu ku tilmaamay "kansar nagu dhex-nool".

Faaladdan oo lagu qoray luuqadaha English iyo Soomaali ayaa waxaa ciwaan looga dhigay: "Dib u noqosho ma jirto: Waa inaynu soo afjarnaa halista kooxda Al-Shabaab".

Maqaalkan ayaa kusoo aaday xilli waddanka uu ku jiro dagaal ayna qaybo kamid ah dalka ka soconayaan howlgalo ay wadaan ciidamadda iyo dadka degaanka oo intiisa badan ka jira gobolka Hiiraan.

Sidda laga soo xigtay madaxwayne Xasan Sheekh, Soomaaliya ayaa kaliya horumar ummadeed iyo mid dowladeed waxay gaari kartaa marka ay iska dul-qaado "kooxda arxanka daran".

"Xilligan adag oo dhibaatooyin bini'aadannimo iyo kuwa dhaqaale ka jiraan dalkeena, kooxdan qowleysatada ahi waxay qarxiyeen ceelal biyoodyo dadka Soomaaliyeed iyo xooluhuba ka cabayeen, waxay gubeen degaanno shacab Soomaaliyeed ku noolayeen," ayuu qoray.

Wuxuu raaciyey: "Waxay si xoog ah ay uga qaataan xoolaha nool ee shacabku dhaqdaan, waxayna lacago baad ah ka sameeyaan ganacsiyada iyo shaqsiyaadka kale ee la daaladhacaya sidii ay u soo saaran lahayeen nolol maalmeedkooda".

"Kooxdani waa Kansar inagu dhexjira, waana inaan iskugu geynaa awooddeena si wadajir ah inaan diinteena, dadkeena iyo dalkeena uga badbaadino. Haddii sidaas eynaan yeelin, mustaqbalka dalkeena iyo jiilasha soo socdaba mugdi ayay geli doonaan," ayuu tibaaxay.

Taliska Ciidamadda Soomaaliya ayaa sheegay in saddexdii bilood ee lasoo dhaafay lagala wareegay Al-Shabaab in ka badan 40 goobood oo isugu jira degaano, tuulooyin iyo magaalooyin kuwaasoo isku-geyn dhan 150 kilomitir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM