Xasan Sheekh Maxamuud oo Jabuuti u tagay shir ku saabsan Suudaan

Image
Kulankan ayaa sidoo kale waxaa kasoo muuqan doona hoggaamiyaasha dowladdaha xubnaha ka ah IGAD.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb gelaya Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD ayaa gaaray Magaalada Jabuuti ee caasimadda dalkaas.

Meertada 14-aad ee IGAD ayaa, sidda ay sheegtey Villa Soomaaliya, waxaa sannadkan diirradda lagu saari doono arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin nabadda, amniga iyo horumarka Gobolka.

"Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxa ay ku soo bandhigi doonaan doorka kaga aaddan dowladda Federaalka Soomaaliya iskaashiga dalalka ku bahoobay Ururu Goboleedka IGAD," ayay raacisay.

Hoggaamiyaasha dowladdaha xubnaha ka ah IGAD ayaa xoogga saaraya xal u helidda dagaalka ka socda dalka Sudaan, mideynta dadaallada heer gobol ee ciribrirka argagixisada, xoojinta isdhexgalka gobolka, nabadda, dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM