Xasan Sheekh Maxamuud oo laga hela Covid-19

Image
Xaaladda caafimaad ee Madaxwaynaha ayaa "ah mid fiican isaga oo aan dareemayn wax qandho ah," sida ay sheegtay Villa Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcadda maanta ah waxaa laga helay COVID-19, sidda lagu xaqiijiyey qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya.

Xaaladda caafimaad ee Madaxwaynaha JFS ayaa "ah mid fiican isaga oo aan dareemayn wax qandho ah iyo dhammaan calaamadaha xanuunka tan iyo markii laga helay COVID-19," ayay raacisay.

"Madaxwaynaha ayaa si nabad ah maanta dalka ugu soo laabtay waxa uuna sii wadan doonaa howlihiisa shaqo ee uu ugu adeegayo qaranka isaga oo raaci doona tilmaamaha caafimaad ee COVID-19".

HOOS KA AKHRISO QORAAL UU DHANKIISA SOO SAAREY

Waxaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee sharafta leh la wadaaggayaa in baaritaanno la igu sameeyay maanta lagu xaqiijiyay in la iga helay COVID-19.

Intaas waxaa dheer, inaan caafimaad qabo oo aan sii wadi doono shaqada aan u hayo qaranka iyo umadda Soomaaliyeed aniga oo raacaya habraacyada caafimaad ee la xariira Covid-19.

Waad ku mahadsantihiin ducadiinna iyo garab-istaaggiinna. Allaa mahad leh.


Todobaadkii lasoo dhaafay ayay baraha bulshadda ay hareeyeen warbixino ku saabsan in wafdiga madaxweynaha ee Imaaraadka qeybtooda laga helay Covid-19 taasoo kordhisay maalmaha socdaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM

Khilaafka Siyaasadda Soomaaliya oo Hareeyay Shirka Kampala, Museveni oo Ku Baaqay Wada-hadal Loo Dhan Yahay

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jabuuti ayaa ka aragti duwanaaday soo jeedintan.

  • Soomaliya

    31-07-2026

  • 12:06PM