Xasan Sheekh Maxamuud oo u socdaalay Imaaraadka Carabta

Image
Safarkan ayaa noqonaya mid kii ugu horeeyey uu dalka dibadiisa ugu baxo tan iyo intii la doortey.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Axada maanta ah wuxuu u socdaalay Imaaraadka Carabta kadib marti-qaad uu ka helay dhigiisa Sheekh Maxamed Binu Sayid.

Ra'iisul wasaaraha xilka kasii dagaya Maxamed Xuseen Rooble oo bilo kahor kasoo laabtey Abu Dhabi ayaa Xasan Sheekh kasii sagootiyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa lasoo bandhigay fahfaahin kooban oo ku saabsan ujeedada socdaalka iyo qodobadda uu kala xaajoon doono dhigiisa Imaaraadka.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo martiqaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Binu Saayid ayaa ka ambabaxay magaalada Muqdisho," ayaa lagu yiri qoraalka. 

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Safarka Madaxweynaha oo labo maalmood qaadan doona ayaa ku qotoma xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, fududeynta isu-socodka, ganacsiga iyo sare u qaadidda iskaashiga labada waddan".

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa noqonaya mid kii ugu horeeyey uu dalka dibadiisa ugu baxo tan iyo intii la doortey 15-ka bishii May ee sanadkan aan ku guda jirno ee 2022-da.

Cilaaqaadka ka dhaxeeya Dowlada Soomaaliya oo uu madaxweynaha ka ahaa Farmajo iyo Imaraadka Carabta ayaa aad u liitay shantii sano ee lasoo dhaafay iyadda oo Muqdisho ay aad ugu dhaweyd Qadar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo laga joojiyay qorshe muran badan dhaliyay

Sidoo kale, Waxaa la faray hay’adaha ku shaqada leh arintan lagu dhacayo dadka inay si degdeg ah u joojiyaan, illaa amar dambe.

  • Soomaliya

    03-02-2025

  • 04:23PM

Jubaland oo Wadahadal ugu baaqdey dowladda Soomaaliya

Wasiirka oo VOA ay wareystay ayaa ka hadlay soo noqoshada uu Kismaayo ku soo noqday Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo Kenya.

  • Soomaliya

    03-02-2025

  • 07:20AM