Xasan Sheekh Maxamuud: Soomaaliya waxa ay leedahay hal cadaw

Image
Image
Image
Image
Image
Hadalkan ayuu ka sheegay deegaanka Nuur-dugle ee gobolka Shabeellaha Dhexe halkaasoo uu booqdey.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dardargelinaya dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada Alshabaab ayaa gaaray deegaanka Nuur-dugle ee Hirshabelle oo ka mid ah goobaha ciidamada Xoogga dalka iyo shacabka oo iskaashanaya ay ka xoreeyeen Khawaarijta.

Xasan Sheekh ayaa ciidamada Xoogga dalka iyo shacabka ku nool Hirshabelle, gaar ahaan Nuur-dugle iyo deegaanada ku xeeran ku ammaanay guulaha ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Khawaarijta, waxa uuna ku dhiirigeliyay in ay sii wadaan halgankooda naf-hurnimo inta Soomaaliya oo dhan laga tirtirayo argagixisada.

Warbixin ayaa laga siiyay xaaladaha bulsho ee ka jira guud ahaan Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa tilmaamay in aan la aqbali karin in wiil ama gabar Soomaaliyeed aan ku weyno dagaal aan ahayn kan argagixisada.

Hogaamiyaha Soomaaliya ayaa waxa uuna booriyay in shacabka ay adkeeyaan walaalnimada iyo wadajirka isla markaana ay meel uga soo wada jeestaan Khawaarijta.

“Soomaaliya maanta waxa ay leedahay hal cadaw, cadawgaasna waa Alshabaab, argagixisadu door kuma lahan dalkeenna, dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in wadankaan laga ciribtiro Alshabaab, qofkasta oo Soomaali ah waxaa saaran masuuliyad in uu kaalintiisa ka qaato dagaalka aan kula jirno cadawga," ayuu xusay.

Xasan Sheekh ayaa adkeeyay in dowaladdu ay sii wadi doonto dagaalka inta Khawaarijtu ay ku harsan tahay meel ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxa uuna intaas raaciyay in adeegga dowladnimada la gaarsiin doono degmooyinka iyo deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM

Jubaland oo ka digtay hubanti la’aan siyaasadeed iyo faragelin shisheeye

Ugu dambeyn, Jubaland waxay ugu baaqday madaxda siyaasadda dalka in ay mudnaanta siiyaan ilaalinta midnimada iyo xasilloonida.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 04:43PM