Xasan Sheekh oo afar qodob la wadaagay madaxda caalamka

Image
Image
Image
Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hogaamiyeyaashan kula kulmay shirka caalamiga ah ee Cimilada Adduunka (COP27) .

QAAHIRA, Masar - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay furitaanka shirka caalamiga ah ee Cimilada Adduunka (COP27) oo maanta magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar uga furmay Madaxda Caalamka.

Madaxweynaha ayaa madasha shirka uu ku qabsoomay waxa uu kulammo kula qaatay Madaxweyneyaasha, Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Aljeeriya Mudane Cabdulmajiid Tamuun, Kenya Mudane William Ruto, Imaaraatka Carabta Maxamed Binu Saayid, Burundi Évariste Ndayishimiye, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed iyo Ra’iisul Wasaaraha Finland Marwo Sanna Marin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo khuburada cimilada Soomaaliyeed ee ku wehelisa Shirka COP-27 ayaa la wadaagay Madaxda Caalamka saameynta xooggan ee isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay nolasha dadka Soomaaliyeed iyo qorsheyaasha Dowladdu ay kula taacaleyso abaaraha, nabaad-guurka iyo fataahadaha oo ka mid ah saameynta isbeddelka cimilada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM