Xasan Sheekh oo amar dul-dhigay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta

Image
Image
Image
Image
Image
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan wadatshi ah kula qaatay culimada Soomaaliyeed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka kulan wadatshi ah kula qaatay culimada Soomaaliyeed, ayaa uga warbixiyey mudnaanta uu siinayo in dalka laga xoreeyo argagixisada Alshabaab oo gumaad joogta ah ku haya dadka Soomaaliyeed, caqabadna ku ah horumarka dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faray Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta in la qabto shirweyne Culumada Soomaaliyeed la isagu keenayo si looga arinsado dhismaha Hay’adda Culumada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dagaalka socda ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab ay laf-dhabar u yihiin culimada Soomaaliyeed oo ah dhaxal-dhowreyaasha diinteenna suubban, waxa uuna la wadaagay sida ay muhiimka u tahay in ay cilmigooda iyo codkoodaba ku garab istaagaan halganka wadajirka ah ee ay wadaan Ciidamada Qalabka Sida iyo dadka degaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu.

Madaxweynaha ayaa culimada Soomaaliyeed ku bogaadiyey doorka wanaagsan ee ay ka qaataan wacyi gelinta, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah fikirka gurracan ee argagixisada iyo muujinta sida ay khawaarijta Alshabaab uga been abuuranayaan diinteenna suubban ee Islaamka, isagoo xusay gacanta ay ka geysanayaan gurmadka abaaraha iyo taakulaynta dadka danyarta ah.

Dhankooda, culimada ayaa la wadaagay Madaxweynaha talooyin ku aaddan dowlad dhiska, horumarinta dalka iyo la dagaallanka fikirka xagjirnimada ah, iyaga oo bogaadiyay howlgallada iyo kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.Waxa yna soo bandhigeen sida ay u garab taagan yahiin howlgallada socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM