Xasan Sheekh oo "aqbalay" in wadahadal cusub laga galo federaalka

Image
Madaxweynaha ayaa la fahansan yahay in uu muddo xileedkan doonayo "xoojinta maamulada qoondo ahaan uu kasoo jeedo".

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu ogolaaday in si cusub looga wada xaajoodo arrimaha awood-qeybsiga federaalka, sida ay sheegayaan illo wareedyo lagu kalsoonyahay oo u waramay Garowe Online.

Wadahadaladan oo lala furey dowlad goboleedyada ayaa waxaa hadda ay marayaan wejigii koowaad, iyada oo dowlad goboleed kasta uu u saaray guddi wasiirro ah oo soo dhiraandhiriya aragtidooda ku aaddan awood-qeybsiga, gaar ahaan kala xaddaynta awoodaha federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Maamul kasta ayaa soojeedintiisa la iman doonta shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee ay isugu imanayaan madaxda ee xiga. Inkasta oo aanan shacabka iyo warbaahintaba lala wadaagin, haddane waxyaabaha miiska saaran ee GO ay ogaatay waxaa ka mid ah awoodaha arrimaha dibedda, qeybsiga kheyraadka iyo ciidanka xoogga dalka.

Madaxda dowladda federaalka ayaa, inkasta oo wax badan oo ka mid ah arrimaha dooda ka taagantahay ay ogolyihiin, haddane waxa ay gorgortan ka geli doonaan arrimaha qaar.

Wadahadalkan cusub ayaa dhashay kadib markii madaxda hadda joogta ee federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada qaar ay arkeen halista ka iman karta dowlad federaal oo kaligii taliye uu hormuud ka yahay, sidaasi darteedna hadda laga sii tabaabusheysto dhammaan arrimaha ay suurtogalka tahay in la isku qabto hadhoow.

Nidaamkii Farmaajo oo mucaaradka ay ku eedeeyeen in uu kasoo horjeedo qaabka hadda wax u socdaan ayaa la sheegay in uu si weyn dabada uga riixday in xilli horeba laga hawlgalo arrimahan, oo la fahamsan yahay in lagu dari doono arrimaha wax ka badelka dastuurka ee hadda socota.

Dhowaan shir ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa lagu heshiiyay in dowlad goboleedyada xubno laga siiyo guddiyada wax ka badelka dastuurka ee kala ah guddiga madaxa banaan iyo guddiga labada gole ee baarlamaanka.

Marka arrimahaasi laga tago, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la fahamsanyahay in muddo xilleedkisana uu doonayo in uu uga faa’iideysto sidii uu u xoojin lahaa maamul goboleedyada Hirshabeelle iyo kan Galmudug oo uu qoondo ahaan kasoo jeedo.

Sidoo kale, waxaa la fahansan yahay in uu damacsan yahay in sanadaha ugu dambeeya xukunkiisa uu meelmariyo maqaam ay yeelato caasimadda Muqdisho, taas oo muddo dheer ay codsanayeen dadka bulshooyinka uu madaxweynaha kasoo jeedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM