Xasan Sheekh oo baabi'iyey guddiyo uu magacaabay Farmaajo

Image
Qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda ayaa sidoo kale waxaa lagu xusay in meesha laga saarey wixii go'aanno ahaa ee ay gaareen.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa baabi'iyey laba guddi uu horey "si sharci darro ah" ku magacaabay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida ay sheegtay Villa Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda ayaa lagu xusay in sidoo kale meesha laga saarey wixii go'aanno ahaa ee ay gaareen muddadii la howlgeliyey labadan guddi ee khilaafka sharciyadeed uu ka dhashay.

Guddiyadan ayaa kala ah; Golaha Adeega Garsoorka iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa. Xubnaha guddiyadan ayaa la meelmariyey intii uu taagnaa khilaafka doorashaddii soo dhamaatay 15-ka May.

"Madaxweynaha oo ka duulaya ahmiyadda ay labadan guddi u leeyihiin dowlad nimada Soomaaliyeed iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in dhismahooda loo maro nidaam waafaqsan Dastuurka iyo Xeerarka dalka ayaa Xukuumadda faray in ay u soo dhisaan labadan guddi si waafaqsan qodobbada 71-aad, 109A iyo 112-aad ee Dastuurka Kumeel-Gaarka ah iyo qodobka 7-aad ee sharciga dhisidda Golaha Adeegga Garsoorka iyo magaacaabista Guddiga Madaxa-Bannaan ee La dagaallanka Musuqmaasuqa," ayaa lagu yiri xeerka.

Xeerka Xasan Sheekh soo saarey

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud markuu arkay Qoraalka Sumadiisu tahay XG/504/B-12/021 ee ka soo baxay Aqalka Sare laguna sheegay in Xubnaha Golaha Adeega Garsoorka iyo Xubnaha Guddiga La-dagaalanka Musuqmaasuqa aan hawlgelintooda loo marin hannaan Dastuurka iyo xeerarka waafaqsan, ayaa Xeer Madaxweyne ku baabi'iyey Xeerarka Madaxweyne ee kala ah Lr 357 iyo Lr 358 si loo toosiyo hannaanka dhissidda Golaha adeegga Garsoorka iyo Guddiga Madaxa-Bannaan ee la dagaallanka Musuqmaasuqa.

Madaxweynaha oo ka duulaya ahmiyadda ay labadan guddi u leeyihiin dowlad nimada Soomaaliyeed iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in dhismahooda loo maro nidaam waafaqsan Dastuurka iyo Xeerarka dalka ayaa Xukuumadda faray in ay u soo dhisaan labadan guddi si waafaqsan qodobbada 71-aad, 109A iyo 112-aad ee Dastuurka Kumeel-Gaarka ah iyo qodobka 7-aad ee sharciga dhisidda Golaha Adeegga Garsoorka iyo magaacaabista Guddiga Madaxa-Bannaan ee La dagaallanka Musuqmaasuqa.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in la baabi'iyey dhammaan wixii go'aanno ahaa ee ay gaareen muddadii la howlgeliyey Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka iyo Guddiga Madaxa-Bannaan ee La Dagaallanka Musuqmaasuqa.

Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan galay, Oktoobar 09, 2022, oo ah markii lagu baahiyey faafinta rasmiga ah ee dowladda.


Xeerka Xasan Sheekh ayaa ka dhigan go'aankii ugu horeeyay oo si toos ah meesha looga saarayo talaabooyinkii ugu dambeeyay ee Farmaajo qaadey kahor inta uusan wareejinta xilka madaxweynaha 23-ka May, 2022.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amniga Madaxtooyadda Soomaaliya oo la adkeeyay kadib diyaarado lagu arkay

Labada kooxood waxay si gooni gooni ah u dadaalayaan inay ridaan dowladda federaalka Soomaaliya ee ay taageerto Qaramada Midoobay

  • Soomaliya

    01-02-2025

  • 12:44PM

Xasan Sheekh: Dagaalka Al-Shabaab waa nagu adkaadey

Dowladda ayaa haysta caqabado badan oo ku aadan dagaalka, taasoo hakad gelisay howlgalkii socday, waxayna tani fursad siisay Al-Shabaab oo weeraro soo qaadey.

  • Soomaliya

    01-02-2025

  • 09:41AM