Xasan Sheekh oo baaq cusub kasoo saarey doorashooyinka

Image
Madaxwaynihii 8aad ee Soomaaliya ayaa farta ku fiiqay wadada kaliya ee lagu badbaadin karo dowladnimada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladnimada waqtiga badan la geliyey ee Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kaga imaanaysa hogaanka waqtigu ka dhacay, sida uu ka dhawaajiyey Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxwaynihii 8aad ee dowladda federaalka Soomaaliya oo muuqaal soo duubay ayaa shaaca ka dhigay in muhiim ay tahay in cid kasta ay gacan ka geysato sidii loo badbaadin lahaa dowladnimadaas.

Sida laga soo xigtay Xasan oo mar kale u taagan qabashadda xilka ugu sareeya dalka, wadada kaliya ee lagu badbaadin karo dowladnimadaas waa in la qabto doorasho daahfuran laguna kalsoonaan karo.

"Waddada kaliya ee maanta badbaadin karta dowladnimadeena waa doorasho daah furan. Waxaan ku baaqayaa in laga gudbo dhammaan khilaafaadka oo si niyad sami ah loo garab istaago mas'uuliyiinta ku howlan hirgelinta doorashada," ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray: "Maanta Doorashada taagan waxaa u baahannahay waa Wanaag, waa Guul iyo in horay loo socdo, haddii shalay ay lugta nagaga xirnaato oo maalin hebel sidaas la i yeelay, haddaan joogno shalay, maanta na dhaafee, berri na dhaafee dad shalay la nool ayaa noqoneynaa".

Cabdiraxmaan Odowaa, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya iyo xubin ka tirsanaa Golaha Shacabka baarlamaankii 10aad, ayaa qoraal uu soo dhigay Facebook-ga wuxuu ku difaacay hadalka Xasan.

"Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud oo ka hadlay xaaladda guud ee dalka iyo arimaha doorashooyinka ayaa sheegay in waddada kaliya ee maanta badbaadin karta dowladnimadeena ay tahay doorasho daah furan, isagoo ku baaqay in laga gudbo dhammaan khilaafaadka, si niyad sami ahna loo garab istaago mas'uuliyiinta ku howlan hirgelita doorashada," ayuu yiri.

Odowaa oo xubin ka ah xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarka uuna hogaamiyo Xasan Sheekh, ayaa haatan wuxuu mar kale u ordayaa kursi xubinimada Aqalka Hoose wallow uu wajahayo loolan xooggan.

Related Articles

Maxay Xasan Sheekh iyo Museveni uga wada hadleen kulanka Kampala?

Shirka Daarusalaam ayaa lagu xoojinayaa dadaallada lagu daminayo xiisadda colaadeed ee ka taagan gobolka.

  • Soomaliya

    07-02-2025

  • 03:28PM

Jubaland: Dowladda Soomaaliya waxay colaad ka hurinaysaa gobolka Gedo

Golahu wuxuu bogaadiyay guulaha ay Ciidamada Dowladda Puntalnd ka gaareen dagaalka Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish.

  • Soomaliya

    06-02-2025

  • 06:10PM