Xasan Sheekh oo balanqaad u sameeyay madaxdii uu kula shiray Muqdisho

Image
Hadalkan ayuu ka sheegay casho sharaf uu siyaasiyiintan ugu sameeyay Villa Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casho sharaf ku maamuusay Madaxda iyo masuuliyiinta hore ee ka qeyb-galay kulankii wadatashiga ahaa ee shalay ku soo gaba-gaboobay Muqdisho.

Madaxweynaha oo goobta ka hadlay ayaa uga Mahadceliyey masuuliyiintan ka qeyb-galka Kulanka Wadatashiga iyo talooyinkii ay ku kabeen dowlad-dhiska Soomaaliya.

Sidda ay sheegtey Villa Soomaaliya, Xasan Sheekh waxa uu muujiyey sida uu mudnaanta u siinayo dhageysiga talooyinka iyo aragtiyaha qeybaha kala duwan ee shacabka iyo hoggaanka Soomaaliyeed.

Dhankooda, Madaxdii hore ayaa bogaadiyay kulanka wadatashiga ee uu fidiyay madaxweynaha waxaana ay sheegeen in dowlada Soomaaliyeed ay ku garab siinayaan halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee argagixisada Alshabaab lagu cirib tirayo.

Casho sharaftan waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare K/xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac, Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Kuxigeenadiisa Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji, Cabdullaahi Cumar Abshirow, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Kuxigeenadiisa, Cali Shacbaan Ibraahim iyo Cabdullaahi cali Xersi

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM