Xasan Sheekh oo bilaabaya booqashadda maamulada dalka

Image
Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu Baydhabo uga sii gudbo xarunta maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Talaado ah safar maalmo kooban qaadanaya ku tagaya magaalada Baydhabo oo xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed halkaas oo uu ugu soo gudbi doono magaaladda Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Socdaalkaan ayaa la xiriira sidii uu Xasan Sheekh wadahadalo ula yeelan lahaa C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen hoggaamiyaha Koofur Galbeed oo wajahaya madax xunuun uga imaanaya siyaasiyiinta ka soo jeeda Koofur Galbeed oo dalbanaya in la qabto doorashada madaxtinida xilli uu isagu doonayo in uu hal sano oo mudo dheeraysi ah uu qaato.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu xariga ka jaro dhisme cusub oo lagu kordhiyay madaxtooyada Koofur Galbeed Soomaaliya taasoo dhismeheeda uu soo dhamaaday.

Amniga guud ee magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo la joojiyay dhaqdhaqaaqa gaadiidka, waxaana sugida amaanka iska kaashanaya ciidamada Koofur Galbeed, kuwo ka tirsan koofi casta Villa Soomaaliya oo shalay la sii geeyay xarunta gobolka Baay iyo ciidanka midowga Afrika ee ATMIS.

Baydhabo waxaa shalay gaaray wafdi madaxweynaha hordhac u ah oo uu hoggaaminatay Agaasimaha madaxtooyada Xuseen Sheekh Maxamuud oo wadahadal kula yeeshay xarunta madaxtooyada madaxweyne Lafta Gareen, waxeyna isla diyaariyeen jadwalka madaxweynaha mudada uu ku sugan yahay xarunta uu haatan ku shaqeeyo Koofur Galbeed.

Xasan Sheekh ayaa la filayaa in uu Baydhabo uga sii gudbo xarunta maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb, halkaas oo uu kula shiri doono hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo isna ka mid saaxiibada sida dhow ula shaqeeyay Farmaajo mudo xileedkiisuna uu sii dhamaanayo.

Ciidanka amaanka gaar ahaan kuwa dowlada Faderaalka oo si buuxda uga howlgala Dhuusamareeb ayaa bilaabay howlgalo lagu xaqiijanayo amniga magaaladda iyaga oo bilaabay baaritaano la xiriira amniga xarunta maamulka Galmudug.

Safarkan ayaa wuxuu noqonaya kii ugu horeeyay ee bixiyo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ka dib markii 15 bishaan mar kale dib loogu doortay jagadda madaxweynaha Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo shir deg-deg ah ku qabtay Madaxtooyada

Kulankan ayaa yimid xilli ay xaalado amni oo adag ka taagan yihiin qaar ka mid ah gobollada dalka, iyadoo dagaallo culus.

  • Soomaliya

    21-04-2025

  • 07:30AM

Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo Is casilaya Kadib Fashilkii Aadan Yabaal 

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay qabsatay 10 saldhig oo milatari ah, halka saraakiisha dowladda ay sheegeen inay iska difaaceen weerarada Kooxda.

  • Soomaliya

    21-04-2025

  • 05:58AM