Xasan Sheekh oo bixiyey amar la xiriira "khataraha maaliyada"

Image
Image
Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale wuxuu mar kale fariin u diray ganacsatada "lacagta siiya Al-Shabaab".

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Guddiga Qaran ee La-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagaxisada (AML/CFT) ayaa ku adkeeyey dardar gelinta qorshaha qaran ee lagu curyaaminayo ilaha dhaqaale ee maal-geliya falalka arxan darrada ah ee Al-Shabaab.

Dagaalka ka dhanka ah maleyshiyadda ee dhinacyada dhaqaalaha, fikirka iyo furimaha dagaalka ayuu is-dultaagay, waxa uuna tilmaamay doorka muhiimka ah ee ganacsatada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin sidii dadka Soomaaliyeed looga dulqaadi lahaa xasuuqa, boobka iyo gumeysiga ay ku heyso argagixisadu.

Guddigan Qaran oo la aas-aasay sanadkii 2016-kii ayaa waxaa ku mideysan hay'addo dalka ee dhanka dhaqaalaha, amniga iyo garsoorka, iyadoo ay Madaxweynaha uga warbixiyeen baraarugga ganacsatada Soomaaliyeed ee ka dhanka ah argagixisada, waxa ayna tilmaameen sida ay hoos uga dhacayso baadda khawaarijtu ay ka qaadi jireen ganacsatada Soomaaliyeed.

Go’aankiisii ku aaddanaa ganacsatada la macaamisha argagixisada ayuu mar kale hoosta ka xariiqay, waxa uuna sheegay in ciddii dhaqaale siisa argagixisada ay door ka qaateen qaraxyada iyo xasuuqa lagu gumaaday ardayda, hooyooyinka, waxgaradka iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee birmu-geydada ah.

Qorshaha ciribtirka khataraha maaliyadeed ayuu faray in la dardargeliyo, si dalka loogu diyaariyo in uu ka gudbo qiimaynta Hay’ada la dagaalanka Kahataraha maaliyadeed ee Bariga Dhaxe iyo Waqooyiga Afrika (MENAFATF).

Kulankan waxaa ka qeyb galay Ra'iisul Wasaare Wasaare Xamze Cabdi Barre Wasiirrada Maaliyadda, Cadaaladda, Amniga Gudaha, Ganacsiga iyo Warshadaha, Agaasimaha Guud ee Hey’adda Sirdoonka Qaranka, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Agaasimaha Hey’adda Warbixinada Maaliyadeed (FRC).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM