Xasan Sheekh oo booqasho laba casho uga bilaabatay Abu Dhabi

Image
Safarkaan ayaa kusoo aadayo iyada Madaxweynuhu magacaabay ra’iisul wasaare Xamze Cabdi Barre.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi ee caasimadda dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in Madaxweynaha uu martiqaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Isu-tagga Imaaraatka Carabta Sheekh Maxamed Binu Saayid.

Madaxtooyadda ayaa intaas ku dartey in uu kala hadli doona madaxda dalkaas xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatku ay u xoojin lahaayeen iskaashiga miro-dhalka ah ee dhinacyada maalgashiga, diblumaasiyadda iyo dhaqaalaha.

Booqashadan oo ah tii ugu horreysay ee Madaxweynaha Soomaaliya, kadib doorashadii 15-kii May ayaa direysa in Imaaraadka uu noqonayo garabka dowladda cusub, halka Qatar ay u muuqato inay kasii dhamaaneeyso Soomaaliya, sida ay ku aheyd 5 sano ee lasoo dhaafay.

Safarkaan ayaa kusoo aadayo iyada Madaxweynuhu magacaabay ra’iisul wasaare Xamze Cabdi Barre, kaas oo la filayo inuu Madaxweyne horgeeyo BF, si ay u siiyaan kalsoonida.

Imaaraadka ayaa maamulkii Farmaajo ka hor ka mid ahaa dowladaha taageera Soomaaliya waxa uuna Muqdisho ku lahaa xero uu ku tababaro ciidanka milatariga Soomaaliya iyo Isbitaal loogu adeegi jiray bulshada Caasimadda si bilaash ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM