Xasan Sheekh oo codsi u diray Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed

Image
Kulan gaar ah oo uu la yeeshay mas'uuliyiintan ayuu dardaaran ka jeediyey madaxweynaha Soomaaliya.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey kulan gaar ah oo ay yeesheen Golaha Wasiirrada Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed.

Sidda ay sheegtay Villa Soomaaliya, kulankan ayaa waxaa lagaga arrinsaday dib u heshiisiinta iyo xoreynta deegaannada ay argagixisadu ku dhibaateynayaan dadka Soomaaliyeed.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo uu wehelinayo Madaxweynaha Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagay qorsheyaasha dowladda Federaalka ee dardar galinta wejiga labaad ee howgalka dib u xoraynta dalka oo qorshuhu yahay in waqti kooban lagu soo gabagabeeyo," aayy raacisay.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta ka qeyb galay shirkan in ay qaataan masuuliyadda ka saran adkeynta xoraynta deegaanka iyo Ilaalinta wadajirka shacabka si loo helo Koonfur-galbeed xasilloon, heshiis ah, isla markaana xor ka ah ficillada gurracan ee Khawaarijta".

"Kulankan waxaa ka qayb galay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, agaasimaha guud ee Madaxtooyada Qaranka iyo Mas’uuliyiin kale," ayaa lagu soo xiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM