Xasan Sheekh oo cudurdaar ka bixiyey xiritaanka jidadka Muqdisho

Image
Madaxweynaha ayaa talaabadan ku difaacay "duruuf ay sababtay xaaladaha amni ee laga bixi doono".

MUQDISHO, Soomaaliya -  Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa cudurdaar ka bixiyey xiritaanka waddooyinka Muqdisho - labadii maalmood lasoo dhaafay, sidda ay faafisay Madaxtooyadda Soomaaliya.

Sidda laga soo xigtey qoraalka Villa Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa xiritaanka ku qeexay "duruuf ay sababtay xaaladaha amni oo lagaga bixi doono dhammeystirka xoreynta deegaannada ay dalka kaga harsan yihiin argagixisada Alshabaab".

Waddooyinka Muqdisho ayaa laba maalmood loo xiray sababo ku aadan soo dhaweynta madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle kaasoo mar uu la hadlayay baarlamaanka raaligelin noocaan ah bixiyey.

Dhanka kale, Xasan Sheekh waxa uu baaq kasoo saarey xaaladda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, isaga oo ku tartarsiiyey Somaliland in ay dadkaas kula macaamisho "xal aan xabad ahayn".

HOOS KA AHRISO BAYAANKA MADAXTOOYADDA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan dhibaatada ka taagan magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool iyo amniga caasimadda.

Madaxweynaha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo dhammaan ehelada ay ka geeriyoodeen dadkii birmo-geydada ahaa ee ku dhintay bannaan-baxyada ka dhacay magaalada Laascaanood, waxa uuna xusay in dadka Soomaaliyeed ay dhibaatooyin badan soo mareen, maantana aysan mudneyn in dib loogu celiyo dhibaatooyinkaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay Soomaaliland inxal aan xabbad ahayn ay ku wajahdo xaaaladda reer Laascaanood, isagoo sheegay in dowladda Federaalka ah ay mudnaan weyn siinayso xasilloonida, nabadda, adkeynta walaalnimada iyo wada-noolashaha dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah bulshada Caasimadda Muqdisho ugu adkeeyey in ay la shaqeeyaan ciidanka oo u heellan fashilinta dhagarta argagixisada, isagoo muujiyey sida uu uga xun yahay jidadka la xiray muddadii uu martida u ahaa dalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, taas oo uu ku tilmaamay duruuf ay sababtay xaaladaha amni oo lagaga bixi doono dhammeystirka xoreynta deegaannada ay dalka kaga harsan yihiin argagixisada Alshabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM