Xasan Sheekh oo dalab cusub u gudbiyey Mareykanka

Image
Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soojeedintan ku gudbiyey kulan uu la qaatay wasiirka arrimaha dibadda Ameerika.

WASHINGTON, United States - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay xarunta Wasaaradda Arimaha Dibadda Maraykanka ee magaalada Washington, Xoghayaha Arimaha Dibadda dalkaas Antony Blinken.

Madaxweynaha iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal iyo taageerada muhiimka ah ee dowladda Mareykanka ay siiso Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa ka dalbadey Antony Blinken in lagu garab istaago dowladda Soomaaliyeed qorsheyaasha horumarineed iyo tallaabooyinka hor-u-socodka ah ee ay qaadeyso oo salka ku haya daris-wanaagga, iskaashiga iyo isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay muhiimada ka hortagga xaalufka deegaanka, dadaalka dowladda Soomaaliya uga hortagayso macluusha, iyo howlgalada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreynayaan argagixisada deegaannada ay kaga sugan yihiin dalka.

Dhankiisa Antony Blinken ayaa adkeeyay sii amba-qaadidda taageerada dowladda Maraykanka ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan gurmadka abaaraha, dowlad dhiska, horumarinta adeegyada bulshada, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo la dagaallanka argagixisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM