Xasan Sheekh oo dhambaal hambalyo ah u diray dhigiisa Jabuuti

Image
Maalinta madax-banaanida Jabuuti, oo sanad walba la xuso 27-ka Juun, waa maalin fasax qaran ah gudaha Jabuuti.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanbaal hambalyo ah u diray madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo maanta u dabaal dagaya sanad-guurada 45-aad ee xornimada dalkaas.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ugu hambalyeeyey  dowladda iyo  shacabka dalka “aan walaalaha nahay ee Jabuuti munaasabaddan taariikhiga ah oo ka mid ah dhaxalka ay wadaagaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed, kana tarjumaysa halgankii mideysnaa ee dadka Soomaaliyeed ay iskaga dulqaadeen heeryadii gumeysiga”.

"Walaalaha Jabuuti, dowlad iyo shacabba, waxa ay maanta noo yihiin hiil aan ku tashanno. Waxaan idinla qeybsanaynaa munaasabaddan taariikhiga ah, anaga oo abaal idiin kaga hayna doorka walaalnimo ee aad ka qaadateen dib u dhiska dowladnimoda Soomaaliya." Ayuu cod dheer ku sheegay madaxweynaha goor hore oo isniintii ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyay shacabka reer Jabuuti iyo dowladdoodaba nabad waarta iyo horumar joogto ah.

Maalinta madax-banaanida Jabuuti, oo sanad walba la xuso 27-ka Juun, waa maalin fasax qaran ah gudaha Jabuuti. Waxay astaan u tahay ku dhawaaqistii gayiga ee ka madax banaanida Faransiiska.

Afti madax-banaani ayaa ka dhacday dhulka Faransiiska ee geeska Afrika 1977 iyadoo ay barbar socdeen doorashooyinkii Golaha Deegaanka. Soomaaliya ayaa qayb wayn ka qaadatay in Jabuuti xoriyad ka hesho Faransiiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warbixinno uu Trump ka Sheegay Iran oo Sirdoonka Mareykanka Shaki Geliyey

Afhayeenka Aqalka Cad, Anna Kelly, ayaa difaacday hadalka madaxweynaha, iyadoo…

  • Soomaliya

    27-02-2026

  • 11:01PM

Muqdisho oo looga dhawaaqay shir Soomaaliya looga badbaadinayo firaaq dastuuri ah

War-murtiyeed ka soo baxay shir ay magaalada Muqdisho ku yeesheen xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

  • Soomaliya

    27-02-2026

  • 10:45PM