Xasan Sheekh oo dib ugu laabtay Isbahaysiga Al-Siisi iyo Afwerki [Heshiiskii Ankara oo fashilmay]
Muqdisho, Luulyo 12, 2025 — Heshiiskii ay Turkigu dhexdhexaadiyeen ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasoo lagu doonayay in lagu soo afjaro xiisadda siyaasadeed iyo in Itoobiya loo oggolaado marin badeed, ayaa la soo sheegay inuu si rasmi ah u fashilmay, sida ay baahiyeen warbaahin dhowr ah oo ay ka mid tahay Africa Intelligence.
Warbixin laga helay ilo xog ogaal ah ayaa muujinaya in wadahadalladaas ay burbureen kadib markii Soomaaliya ay si cad u diiday in ay Itoobiya siiso marin badeed oo militari ah, iyadoo kaliya u oggolaatay marin ganacsi oo xadidan ah oo ku yaalla koonfurta dalka.
Dowladda Soomaaliya ilaa hadda wax war rasmi ah kama aysan soo saarin warbixintaasi, sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa ka aamusan arrinta. Si kastaba, dhacdooyin dhowr ah oo is xiga ayaa abuuraya shakiyo badan oo ku saabsan haddii heshiiskii loo yaqaanay "Qaraarka Ankara" uu wali shaqeynayo.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa muddo afar maalmood gudahood ah booqday laba dal oo muhiim ah. Wuxuu July 7, 2025 la kulmay Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Sisi, magaalada Qaahira, halkaas oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay. Inkastoo faahfaahin laga bixiyay kulankaas aan la shaacin, waxay xasuusinayaan heshiiskii milatari ee ay Masar iyo Soomaaliya kala saxiixdeen bishii Agoosto 2024 – xilli ay Soomaaliya la jirtay xiisad adag oo ay Itoobiya ka dhalisay MOU-ga ay la saxiixatay Somaliland.
Masar ayaa ilaa haatan ciidamo tiradoodu gaareyso 10,000 u dirtay Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.
Intaas kadib, Xasan Sheekh ayaa July 11, 2025, u duulay Ankara oo uu kula kulmay Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan. Villa Somalia ayaa sheegtay in labada Madaxweyne ka wada hadleen xoojinta xiriirka istaraatiijiyadeed ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo la dagaallanka kooxda Khawaarijta.
Itobiya ayaa si weyn uga soo horjeeda joogitaanka milatari ee Masar ee gudaha Soomaaliya, iyadoo arrintaasi u aragto khatar ku ah amnigeeda qaranka. Dalka Masar waxaa muddo dheer lala xiriirinayay inuu taageero siinayay kooxaha mucaaradka ah ee Itoobiya dagaalka kula jira.
Inkasta oo bishii Janaayo iyo Febraayo ee sanadkan labada Madaxweyne ay is dhaafsadeen booqashooyin rasmi ah, isla markaana ay kala saxiixdeen heshiisyo milatari oo oggolaanaya in Itoobiya ciidamo dheeraad ah u dirto Soomaaliya — marka laga reebo 2500 askari oo qeyb ka ah AUSSOM — haddana xaaladda siyaasadeed ayaa u muuqata mid dib ugu noqotay halkii hore.
Soomaaliya waxay ku eedeysay Itoobiya in ay ku xadgudubtay madax-bannaanideeda qaran kadib markii ay la saxiixatay Somaliland heshiis is-afgarad ah oo loogu gogol xaarayo aqoonsi buuxa. Somaliland ayaa muddo ka badan 30 sano raadinaysay aqoonsi caalami ah, iyadoo Itoobiya la tuhunsan yahay inay noqon doonto dalka ugu horreeya ee aqoonsada.
Toddobaadyada soo socda ayaa la filayaa in ay iftiimin doonaan waxa dhab ahaan ka khaldamay dadaalladii dib u heshiisiinta iyo siyaasadda is-afgarad raadinta ee labada dal.
GAROWE ONLINE