Xasan Sheekh oo Masjidka Kasoo Weeraray Mucaaradka: “Ma Jiraan Meel Loo Raaco!”

Image

MUQDISHO – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si kulul uga hadlay arrimaha siyaasadda dalka, amniga caasimadda, iyo khilaafka taagan ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, xilli uu khudbad ka jeedinayay masaajidka Isbahaysiga ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo si gaar ah u dul istaagay doorka mucaaradka iyo dooddooda siyaasadeed, ayaa sheegay in dowladdu diyaar u tahay wadahadal iyo isu-tanaasul, balse aysan aqbali karin mowqifyo is-bedbedelaya iyo eedeymo sal la’aan ah.

“Dowladdu diyaar uma aha in ay diiddo wax la isku afgaran karo, laakiin siyaasadda ma aha shalay oggolow, berri diid. Dadka qaar waxay u muuqdaan kuwo aan lahayn jihaynta siyaasadeed ee loo baahan yahay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Amniga Muqdisho oo uu si gaar ah u dul istaagay

Madaxweynaha ayaa sidoo kale si cad u sheegay in loo baahan yahay in amniga caasimadda laga ilaaliyo hubka sharci darrada ah iyo dhaqdhaqaaqyada milatari ee aan la oggolayn. Wuxuu xusay in isaga oo ah madaxweynaha dalka uusan ku socdaalin gaadiid dagaal, loona baahan yahay in qof walba uu raaco nidaamka.

“Anigu ma raaco gaari ciidan oo qoriga dhashiikaha saaran yahay. Sidaas darteed, wax la aqbali karo ma aha in dad aan xilba haynin ay hub la dhex maraan waddooyinka Muqdisho,” ayuu yiri.

Khilaafka dowlad-goboleedyada iyo dowladda dhexe

Isagoo ka hadlayay xiriirka u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamullada Jubbaland iyo Puntland, ayuu madaxweynuhu sheegay in loo baahan yahay wada-hadal wax ku ool ah, balse aysan jiri karin dowlad si gooni ah u dhaqanta.

“Waxaa muhiim ah in dowladnimadu ay ahaato mid isku dhafan. Maamul walba wuu leeyahay xuquuq, laakiin sidoo kale waa in uu oggolaadaa mas’uuliyadda ka dhalanaysa federaalka,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Hadalkan Madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya iyadoo xiisado siyaasadeed ay wali ka taagan yihiin qaar ka mid ah maamullada dalka, halka ay sidoo kale jiraan cabashooyin ka imaanaya mucaaradka, kuwaas oo dhaliilaya qaabka maamulka hadda jira u wajahayo arrimaha doorashooyinka iyo nidaamka federalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Ka Hadlay Barakicinta Muqdisho: “Tani Waa Dhisid, Maaha Dhul Bixis”

Barnaamijka dowladda ee barakicinta dadka ka deganaa dhulka la sheegay inuu yahay hantida guud.

  • Soomaliya

    04-10-2025

  • 09:00AM

Wasiir Fiqi oo dhaliilay shirkii Nairobi: "Mustaqbalka Soomaaliya laguma go'aamiyo dibadda"

Shirkan ayaa kusoo beegmaya xilli Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu qorsheynayo safar uu ku tagayo magaalada Kismaayo.

  • Soomaliya

    03-10-2025

  • 12:39PM