Xasan Sheekh oo difaacay ku biirida Soomaaliya ee dallada EAC

Image
Xukuumadda Muqdisho oo soo dhaweysay talaabadan ayaa ku tilmaamtay "guul diblumaasiyadeed".

MUQDISHO, Soomaaliya - Kadib shir ka dhacay magaalada Bujumbura ee dalka Burundi, madaxda dalalka xubnaha ka ah Dallada Bulshada Afrika ayaa meelmariyay warbixin ku saabsan in Soomaaliya ay u qalanto kamid noqoshadda ururka EAC.

Muqdisho oo soo dhaweysay talaabadan ayaa ku tilmaamtay "guul diblumaasiyadeed," sidda laga soo xigtey war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda xukuumadda federaalka ah.

Inkasta oo la diidey dalabyo horey loo gudbiyey, geedigan ayaa markii ugu horeysay waxa uu soo bilowday 2017-kii waxaana isku soo badalay xukuumadihii talada isaga kala dambeeyay.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo difaacay kamid noqoshadda Soomaaliya ee daladda EAC ayaa waxa uu hoosta ka xariiqey in ay sharciyeyneyso hantida ay Soomaalida ku haystaan wadamadaas.

"Meeqo ayaan nahay laakiin meeqo ayaa noo furan in aan la ganacsano. Hadaan nahay 20 milyan anagana naloo ogolaado suuq 400 milyan in aan ku ganacsano; mandiqa saxda ah waxa uu tilmaamayo waan wada garan karnaa," ayuu ku doodey.

Dallada Bulshada Bariga Afrika oo ah urur dawli ah ayaa waxa uu ka kooban yahay xubno todoba waddan ah kuwaas oo ku yaal gobolka harooyinka waaweyn ee Bariga Afrika.

Dowladahan ayaa kala ah Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, Jamhuuriyadda Midowday ee Tansaaniya, Jamhuuriyadda Kenya, Burundi, Rwanda, Koonfurta Suudaan, iyo Uganda. Sanadka markii uu ahaa 1967-dii ayaa si rasmi ah loo aas-aasay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM