Xasan Sheekh oo digniin kasoo saarey xiisada siyaasada Puntland

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hogaanka Puntland waxa uu ku waaniyey in uu dhageysto codadka ka aragtida badan.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caddeeyay mowqifkiisa ku aadan qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan Puntland ee salka ku haya is-qabqabsiga doorashada qof iyo cod.

Isaga oo ka dhex-hadlayey masjid ku dhex-yaalla Villa Soomaaliya salaadii Jimcaha kadib, Xasan Sheekh ayaa ku waaniyay hogaanka Puntland in uu dhageysto codadka waxgaradka ka aragtida duwan.

Iska-indha-tirida soojeedintaas ayuu hoosta ka xariiqay in ay horseedeyso xasilooni-darro siyaasadeed iyo burbur dowladnimo taasoo dhabaha u xaari karta khal-khal amni iyo isgoys aad u khatar u ah.

"[Hogaanka Puntland] yaanu dadka ka talaabsan. Dad xikmad dowladnimo leh ayaa ku nool degaankaas ee hala dhageysto. Maanta meesha aad joogtaan 24-sano ayaad kusoo gaarteen. Laakiin waxaa suurtagal ah 24-maalmood ka yar in aad ku dumisaan," ayuu yiri.

Dhanka kale, madaxwayne Xasan Sheekh ayaa carabka waxa uu ku adkeeyay in maamulkiisa ay si weyn uga go'an tahay in uu la dagaalamo musuqmaasuqa ku dhex-baahay hay'adaha dowliga ah.

"Wiil yar oo qaata mushahar $400 illaa $700 ayaa daaro dhaadheer ka dhisanaya [Muqdisho]. 'Nin-karameed waaye' ayaa la leeyahay. Laakiin xaqiiqaddu waxay tahay waa tuug," ayuu ka shan-qariyey.

Dadweynaha iyo howlwadenada dowladda ayuu cod dheer kaga dalbaday in ay kaalin mug leh ka cayaaraan sidii Soomaaliya looga ciribtiri lahaa musuqmaasuqa isaga oo qiray in taas ay waqti badan qaadan doonto.

Hadalka madaxweynaha ayaa sababay falcelin kala duwan taasoo ay dadweynaha ku muujiyeen aragtidooda. Qaar badan ayaa soo dhaweeyay, halka kuwa kale ay ku doodeen in uusan is-waafaqsaneyn hadalkiisa iyo ficilkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Libya iyo Soomaaliya oo Kawada Hadlay Iskaashiga Laba Geesood ah

Soomaaliya ayaa dhawaan ka baxday liiska dalalka daymaha haya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dib 35 sano.

  • Soomaliya

    24-02-2025

  • 01:50PM

Ciidamada Difaaca Puntland oo Gacanta ku Dhigay Warshaddii Qaraxyada ISIS

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale ku guuleystay inay ka saaraan argagixisada deegaanadan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    24-02-2025

  • 11:38AM