Xasan Sheekh oo furay shir xilli la galay hotel u dhow Villa Somalia

Image
Weerarkan ayaa lagu waramay in uu sababay in "xaalad ammaan" ay gasho Madaxtooyadda Qaranka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Isniinta maanta ah wuxuu daahfuray shirwayne maalgashi xilli Al-Shabaab ay weerartey hotel dhowr talaabo u jira Madaxtooyada Qaranka oo ah xafiiskiisa.

Villa Rays Hotel oo ay inta badan tagaan mas'uuliyiinta dowladda ayaa fiidkii xalay waxaa dabley Al-Shabaab ay ku galeen weerar ku bilowday is-miidaamin ayna xigtey iska-hor-imaad ay la galeen ciidanka.

Su'aallo iyo tuhun xooggan ayaa ka dhashay qaabka maleyshiyaadka Al-Shabaab ay ku tageen goobta maadaama ay kasoo horeeyaan kontaroolo badan oo ammaankooda si weyn loo ilaaliyo.

Illo lagu kalsoonaan karo ayaa u sheegay Garowe Online in madaxda laamaha ammaanka ay "ku jahwareereen" sidda dableyda ku gaareen Hotel-kan sidda weyn loo ilaaliyo.

"Weerarkan wuxuu sababay in xaalad amni ay gasho Madaxtooyadda Qaranka maadaama hotel-ka la galay uu dhowr talaabo u jiro waxaana heegan la geliyey dhamaan ilaalada Villa Soomaaliya," ayay raaciyeen.

Isaga oo la hadlaayay shirka, Xasan Sheekh oo aan soo hadal-qaadin weerarkan ayaa sheegay "in argagixisada aysan niyad-jabin doonin shacabka Soomaaliyeed" dowladiisuna ka go'an tahay ciribtirkooda.

"In kastoo aan halkan u imid si aan u dhiirri-geliyo maalgashiga dalkayga, haddana waa garowsanahay caqabadaha nagu xeeran oo ay ugu horreyso argagixisada, abaaraha, hannaanka dhaqaalaha oo dib u habayn u baahan iyo shaqo la’aanta dhallinyarada, haddana dhammaan arrimahaas waxaa barbar socda dadaallo aan ku xallinayno iyo fursado ballaaran oo ka jira dalka." ayuu raaciyey.

Ganacsatada iyo qurba-joogta Soomaaliyeed ayuu ku bogaadiyey sida ay hantidooda ugu soo celiyeen Soomaaliya, door muuqdana uga qaadanayaan horumarka iyo soo celinta maalgashiga waddanka.

Amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab ayaa ah galka ugu muhiimsan waqti-xaadirkan gudaha Soomaaliya. Qabashada shirarka noocaan ah ayay dadku aaminsan yihiin in ay ka mudneyn la xisaabtanka kuwa dayacay mas'uuliyadooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Shuruud Ku Xirtay Marin-badeedka Itoobiya

Masar waxay muddooyinkan xoogga saareysay inay xoojiso xiriirka ay la leedahay deriska…

  • Soomaliya

    26-02-2026

  • 08:51PM

Maxaa looga hadlay Shirka Kismaayo ee Madaxweyne Axmed Madoobe gudoomiyay?

Ugu dambeyn, Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ayaa ka warbixisay xaaladda abaareed ee ka jirta Jubaland.

  • Soomaliya

    26-02-2026

  • 08:13PM