Xasan Sheekh oo guddoomay fariin uga timid William Ruto

Image
Image
Image
Image
Dhambaalka ayaa kusoo beegmaya maalmo kahor dhaarinta madaxweynaha la doortey ee Kenya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga Danjirenimo kaga guddoomay safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Kenya u fadhin doona dalkeenna Thomas Kipkosgei Chepkuto.

Thomas ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyey salaan iyo farriin uu kaga siday dhiggiisa dalkaas, William Ruto. Villa Soomaaliya ma bixin fahfaahin ku saabsan dhambaalka.

Balse, fariinta ayaa imaanaysa xilli qorshuhu yahay in 13-ka September ay dhacdo dhaarinta iyo caleema-saarka Ruto kadib markii maxkamada sare ee dalkaas ay meelmarisay guushiisa.

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa caleema-saarkan aawadeed wuxuu u baajiyey socdaal uu ku tagi lahaa Sacuudi Carabiya, sidda uu ogaadey warsidaha Garowe Online.

Dhanka kale, Thomas ayaa shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran ay u fidiyeen, waxa uuna ballanqaaday in uu ka shaqeyn doono horumarinta iskaashiga labada dal.

Dhinaciisa, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay ahmiyadda ay dowladda Soomaaliya siineyso hagaajinta xiriirka diblomaasiyadeed, siyaasadeed, dhaqaale, bulsho iyo ganacsi ee dalalka gobolka, taas oo ku saleysan dheef-wadaag iyo iskaashi wadajir ah oo ku aaddan xoojinta amniga, xasilloonida iyo la dagaallanka argagixisada.

Danjire Thomas Kipkosgei ayuu u sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka gacan-siinayso gudashada waajibaadkiisa diblomaasiyadeed, waxa uuna u rajeeyey in uu si wanaagsan uga shaqeyn doono danaha ay wadaagan labada Jamhuuriyadood ee dariska ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM