Xasan Sheekh oo iclaamiyey "ciribtirka siyaasiyiinta la leeyahay"

Image
Waa markii ugu horeysey oo uu madaxweynaha uu si cad uga dhowaajiyo hijada uu u socdo siyaasad ahaan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu farriin u direy siyaasiyiinta uu sheegay in ay xilligan ka fikiraya doorashada 2026-da iyada oo lix bilood uun laga joogo doorashadii lasoo dhaafay.

Xasan Sheekh oo sjalay ka hadlay masjid ku dhex-yaala Villa Soomaaliya ayaa xusay in inkasta oo ay fiicantahay in uu qofka yeesho qorshe mustaqbalka ah, haddane qaabka wax loo raadinayo ay tahay mid aad u qaldan.

"Rag iyo gabdho ayaa maanta kasii fikiraya [2026-ka]. War horta cimrigaaga ilaahey maku gaarsiinayaa? Xataa haddaan ka fikireyso side uga fikiree? Waa fiican tahay qofka in uu qorshe yeesho," ayuu carabka ku dhuftey.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Xasan Sheekh ayaa durey xildhibaanada hayinka u ah madaxda dowlad goboleedka, wuxuuna wacad ku maray in afarta soo aadan uu afjari doono madaxwayneyaasha maamulada ee "la leeyahay".

"Waxaan ka shaqeynaynaa in qofka Soomaaliga ah ee siyaasadda soo aadayo in aanu qof marti u noqon. Nin qof leeyahay in aanu siyaasadda ka shaqeynin waa ka shaqeynaynaa ilaahey idinkiisa," ayuu xusay.

Hogaamiyaha Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyey in maamulkiisa uu soo saari doono wakiilo ay shacabka soo doorteen, una adeegaya "danta dalka, dadka, diinta iyo dowladnimadda oo uusan qof lahayn".

"Furaha arrintaas oo dhan waa in aan dalka Shabaab ka saarno," ayuu sii raaciyey. Dowladda federaalka ah ayaa waxay haatan waddaa guluf saddex geesood ah oo ka dhan ah xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida.

Waa markii ugu horeysey oo uu madaxweynaha dowladda federaalka uu si cad uga dhowaajiyo hijada uu u socdo siyaasad ahaan, taas oo ah qof iyo cod, ama doorasho ka hufan sidii hore oo loo simanyahay ka qeybgalkeeda.

Hadalkan u dambeeyay wuxuu kusoo beegmayaa xilli Koonfur Galbeed ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo salka ku haysa muddo xileedka madaxwayne Laftagareen kaasoo mucaaradkiisa ay sheegeen in uu xilligiisu dhamaadey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM