Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo lagu sameeyay dib-u-habeyn
MUQDISHO, Soomaaliya — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa is-bedel ku sameeyay golaha dhaqaalaha Qaranka, sidda ku xusan qoraal lagu daabacay bogga Facebook-ga ee Madaxtooyadda.
Bayaanka ayaa sidoo kale waxaa lagu xusay in lagu kala diray xubnihii hore ee golahan oo isugu jiray shan xubnood oo Soomaali ah iyo afar xubnood oo aan Soomaali ahayn.
Wareegtadda ayaa u qorneyd sida hoos ku xusan
"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kadib markuu tixgaliyey baahida loo qabo in dib u habeyn lagu sameeyo Golaha Dhaqaalaha Qaranka, si loo waafajiyo arrimaha mudnaanta leh ee horumarinta dhaqaalaha dalka waxa uu soo saaray
Xeer Madaxweyne LR. 61 iyo Xeer Madaxweyne LR.62." ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha.
Golaha Dhaqaalaha Qaranka waxaa guddoomiye ka ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, halka Ra’iisul Wasaaruhuna yahay Guddoomiye ku xigeen, waxayna hore uga koobnaayeen sadeex heer, iyada oo hadda lagu soo koobay laba heer, sida lagu yiri qoraalka Villa Somalia, kuwaas oo ka ah;
1-Heerka Jaangooynta Siyaasadda iyo Go’aamada Dhaqaale ee Masiiriga ah oo aan waxba laga badelin, kaas oo ay xunbo ka yihiin Madaxweynaha Ra’iisul Wasaaraha, Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirada, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka 'marka loo baahdo go'aan ka gaarista qodobbo saamaynaya
2-Heerka La-talinta iyo Xog-heynta oo kooban 9 xubnood oo La-taliyayaal ah iyo Xog-heynta oo lagu soo xulay aqoontooda iyo khibraddooda, ayaa hoos imaanaya Xafiiska Madaxweynaha, sida ku cad wareegtada madaxweynaha. Heerka la-talinta iyo iyo xog-heynta waxaa agaasime guud u ah La-taliyaha Sare ee Dhaqaalaha Madaxweynaha, kaas oo mas’uul ka ah isku-duwidda maamulka heerkaan ee Golaha."
Xubnaha cusub ee uu magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala ah;
1.Xasan Aadan Hoosow, La Taliyaha Sare ee Madaxweynaha, ahna Agaasimaha Guud
2. Cabdullaahi Cali Cabdi, Xubin
3. Kamaaludiin Axmed Sheekh, Xubin,
4. Adam Xuseen Rooble, Xubin
5. Nimco Maxamuud Sakal, Xubin
6. Maluuka Dheere Sheekh Cabdulqaadir, Xubin
7. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, Xubin
8. Maxamed Cusmaan Maxamuud, Xubin
9. Cabdisalaam Cabdiraxmaan Maxamed, Xubin
Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa waxaa bishii July ee sanadkii 2018 magacaabay madaxweynihii hore dowladda federaalka ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Shaqadooda ayaa waxay ahayd in ay dowladda Soomaaliya kala taliyaan arrimaha siyaasadda dhaqaalaha, fulinta qorshaha dowladda iyo isku dubbaridka kheyraadka dalka.
Dr Cali Ciise Cabdi ayaa guddoomiye wuxuu u ahaa golahan, waxaana xubnihii ajnabiga ahaa ee ka mid noqday golahan ka mid ahaa Cabdalla Xamduuk oo halkii dambe Ra'iisul Wasaare ka noqday waddanka Sudan.
GAROWE ONLINE