Xasan Sheekh oo ka baaqdey safar uu ku tagi lahaa Sacuudiga

Image
Madaxtooyadda Soomaaliya ayaan wali fahfaahinka bixin dib-u-dhaca ku yimid booqashadan.

RIYADH, Saudi Arabia - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka baaqdey socdaal qprsheysanaa in uu 7-da September, 2022 ugu ambabaxo Sacuudi Carabiya, sidda uu ogaadey warsidaha Garowe Online.

Riyadh ayaa martigelinaysa shir looga hadlayo mustaqbalka biyaha ee caalamka iyo sidii xal waara loogu helo lahaa. Kulankan oo saddex casho soconaya ayaa furmaya September 11, 2022.

Inkasta oo shirkan uu ku furmayo heer wasiir, GO ayaa fahansan in Xasan Sheekh uu doonayay in uu socdaalkan uga faa'iideysto la kulanka madaxda boqortooyadda Sacuudi Carabiya.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaan wali fahfaahinka bixin dib-u-dhaca ku yimid booqashadan.

Illo wareedyo ay ku jiraan diblumaasiyiin ka tirsan wasaarada arrimaha dibadda ayaa xaqiijiyey in joojinta safarka Sacuudiga ay la xiriirto "isku-dhac lama filaan oo dhanka jadwalka ah".

"Madaxweynaha ayaa codsadey in dib loo dhigo socdaalka Sacuudiga maadaama uu 13-ka September ay dhaceyso dhaarinta iyo caleema-saarka madaxweynaha la doortey ee Kenya halkaasoo uu tagi doono," ayuu yiri hal diblumaasi.

Sacuudiga iyo Kenya waa laba dal oo xulafo muhiim u ah Soomaaliya. Riyadh waxay kaalin weyn ka qaadanaysaa gurmadka abaaraha, halka Nairobi ay door muuqda ku leedahay gulufka lagula dagaalanayo maleyshiyadda Al-Sbabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM