Xasan Sheekh oo ka baaqdey safar uu ku tagi lahaa Sacuudiga

Image
Madaxtooyadda Soomaaliya ayaan wali fahfaahinka bixin dib-u-dhaca ku yimid booqashadan.

RIYADH, Saudi Arabia - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka baaqdey socdaal qprsheysanaa in uu 7-da September, 2022 ugu ambabaxo Sacuudi Carabiya, sidda uu ogaadey warsidaha Garowe Online.

Riyadh ayaa martigelinaysa shir looga hadlayo mustaqbalka biyaha ee caalamka iyo sidii xal waara loogu helo lahaa. Kulankan oo saddex casho soconaya ayaa furmaya September 11, 2022.

Inkasta oo shirkan uu ku furmayo heer wasiir, GO ayaa fahansan in Xasan Sheekh uu doonayay in uu socdaalkan uga faa'iideysto la kulanka madaxda boqortooyadda Sacuudi Carabiya.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaan wali fahfaahinka bixin dib-u-dhaca ku yimid booqashadan.

Illo wareedyo ay ku jiraan diblumaasiyiin ka tirsan wasaarada arrimaha dibadda ayaa xaqiijiyey in joojinta safarka Sacuudiga ay la xiriirto "isku-dhac lama filaan oo dhanka jadwalka ah".

"Madaxweynaha ayaa codsadey in dib loo dhigo socdaalka Sacuudiga maadaama uu 13-ka September ay dhaceyso dhaarinta iyo caleema-saarka madaxweynaha la doortey ee Kenya halkaasoo uu tagi doono," ayuu yiri hal diblumaasi.

Sacuudiga iyo Kenya waa laba dal oo xulafo muhiim u ah Soomaaliya. Riyadh waxay kaalin weyn ka qaadanaysaa gurmadka abaaraha, halka Nairobi ay door muuqda ku leedahay gulufka lagula dagaalanayo maleyshiyadda Al-Sbabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM