Xasan Sheekh oo ka baaqdey safarkii Dhuusomareeb, maxay tahay sababtu?

Image

April 1, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka baaqdey boosho uu maanta ku tegi lahaa demgada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud.

Dib u dhaca wafdiga Madaxweynaya ayaa yimid kadib markii maanta uu magaaladaas ka dhacay muddaaharaad ballaaran oo rabshad wata. Boqollaal qof ayaa isugu soo baxay jidadka waaweyn ee magaalada iyagoo xiray qaar kamid ah waddooyinka muhiimka ah.

Didbadbaxeyaasha oo watey boorar ay ku qoran yihiin ereyo liddi ku ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxay dalbanayeen in la tixgeliyo go'aanka odayaasha dhaqanka, shirka maamul u sameynta gobollada dhexena  lagu qabto Dhuusomareeb.

Ciidamada booliska ayaa markii dambe ku guuleystey inay kala eryaan dibadbaxeyaasha xaaladdana sideedii caadiga ahayd kusoo celiyaan.

March 26, 2015  waxaa natiijo la'aan kusoo gaba gaboobey kulan muddo saddex maalmood ah qaatey degmada Dhuusomareeb ku dhex maray Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo odayaasha dhaqanka ee gobollada dhexe.

Odayaasha dhaqanka ayaa soo jeediyey in wejiga labaad ee shirka maamul u sameynta gobolalda dhexe lagu qabto Dhuusomareeb, balse Madaxweynaha ayaa qaadacay go'aanka odayaasha islamarkaana soo jeediyey in shirku ka dhaco Cadaado.

Labadii bilood ee ugu dambeeyey Madaxweynaha Dowladda Federaalku wuxuu degmada Dhuusomareeb tegey labo mar isagoo kulamo gaar gaar ah la yeeshay madaxda dhaqanka, siyaasiyiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM