Xasan Sheekh oo ka baaqdey safarkii Dhuusomareeb, maxay tahay sababtu?

Image

April 1, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka baaqdey boosho uu maanta ku tegi lahaa demgada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud.

Dib u dhaca wafdiga Madaxweynaya ayaa yimid kadib markii maanta uu magaaladaas ka dhacay muddaaharaad ballaaran oo rabshad wata. Boqollaal qof ayaa isugu soo baxay jidadka waaweyn ee magaalada iyagoo xiray qaar kamid ah waddooyinka muhiimka ah.

Didbadbaxeyaasha oo watey boorar ay ku qoran yihiin ereyo liddi ku ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxay dalbanayeen in la tixgeliyo go'aanka odayaasha dhaqanka, shirka maamul u sameynta gobollada dhexena  lagu qabto Dhuusomareeb.

Ciidamada booliska ayaa markii dambe ku guuleystey inay kala eryaan dibadbaxeyaasha xaaladdana sideedii caadiga ahayd kusoo celiyaan.

March 26, 2015  waxaa natiijo la'aan kusoo gaba gaboobey kulan muddo saddex maalmood ah qaatey degmada Dhuusomareeb ku dhex maray Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo odayaasha dhaqanka ee gobollada dhexe.

Odayaasha dhaqanka ayaa soo jeediyey in wejiga labaad ee shirka maamul u sameynta gobolalda dhexe lagu qabto Dhuusomareeb, balse Madaxweynaha ayaa qaadacay go'aanka odayaasha islamarkaana soo jeediyey in shirku ka dhaco Cadaado.

Labadii bilood ee ugu dambeeyey Madaxweynaha Dowladda Federaalku wuxuu degmada Dhuusomareeb tegey labo mar isagoo kulamo gaar gaar ah la yeeshay madaxda dhaqanka, siyaasiyiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed uga wada-hadleen Kulankoodii Addis Ababa?

Markii uu Madaxweynaha Soomaaliya ka soo dagay Garoonka Caalamiga ah ee Bole, waxaa soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 09:02AM

Axmed Madoobe: Lagama aqbali doono Xasan Sheekh wixii isaga hore u diiday

Shirkan waa mid lagu badbaadinayo dalka iyo dadkiisa. Maamul wanaag ma aha in hal qof uu awoodda ku dhegganaado.

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 07:56AM