Xasan Sheekh oo ka digay "xukun jaceyl" xilli xiisado ku darsi jiraan

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu rajeeyay in dalka laga xoreeyo Al-Shabaab sanadkan 2023.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka goos-qabsadey "xukun jaceylka" xilli qaar kamid ah maamul goboleedyadda ay ka jiraan xiisado la xiriira muddo kororsi.

Xasan Sheekh oo muuqaal laga duubay ay faafisay Villa Soomaaliya ayaa shaaca ka dhigay in dowladdiisu aysan marna ogolaan doonin in siyaasadda noqoto wax lagu kala aargoosto.

Dib-u-heshiisiin bulsho iyo mid siyaasadeed ayuu hoosta ka xariiqay in maamulkiisa uu ka hirgelin doono guud ahaan dalka si loo dhameystiro dastuurka qabyadda ah ee Soomaaliya.

"Waxaan ka shaqeyn doonaa in dadka Soomaaliyeed ay talo ku yeeshaan cidda hogaaminaysa," ayuu carabka ku adkeeyay, isaga oo sii raaciyey "Ma aqbali karno in laba muwaadin ay kala xuquuq noqdaan".

Afar casho kadib, caasimadda ku meelgaarka Koonfur Galbeed ayaa lagu waddaa in ay martigeliso shir dib-u-heshiisiin oo u dhaxeeya hogaanka siyaasada maamulkaas. Xasan Sheekh ayaa laga yaabaa in uu furo.

Dhanka kale, Xasan Sheekh ayaa carabka ku adkeeyay in maamulkiisa uu sanadkan 2023-ka ka shaqeyn doono sidii dalka loogu adeegi lahaa iyo in ammaanka la adkeeyo si lamid ah Al-Shabaab laga adkaado.

Mar uu soo hadal-qaadey natiijada shirkii wadatashiga qaranka ayuu ku nuux-nuux-sadey in Puntland ay codsatey "wadatashi dheeraad ah" in ay kasoo sameyso qodobada ajandaha u ahaa wadaxaajoodkaas.

Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa diidey in uu saxiixo heshiis siyaasadeed oo ku saabsanaa kala xadeynta awoodaha dowladda federaalka iyo daadejinta nidaamka garsoorka waddanka.

Ugu dambeyn, madaxwayne Xasan Sheekh oo dib loo doortey 25-kii May ee sanadkii hore 2022-kii ayaa cod dheer waxa uu ku waydiistay shacabka in ay ku taageeraan "sidii uu u hagaajin lahaa talada Soomaaliya".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Ballanqaaday Tallaabo Adag oo dhanka Amniga ah markii Daacish la wiiqay

Waxuu Madaxweynaha sheegay in kooxaha Al-Shabaab iyo ISIS laga saarayo gobolka Bari ee dwladda Puntland

  • Soomaliya

    10-03-2025

  • 09:45AM

Trump oo ka laabtay go'aan uu ka qaatey taageerada dowladda Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa aad ugu tiirsan deeqaha dibadda oo ka dhigan 70% miisaaniyadda dalka oo sanadkii hore ahayd $1 billion.

  • Soomaliya

    10-03-2025

  • 07:29AM