Xasan Sheekh oo Kampala u tagay shir ku saabsan masiirka ATMIS

Image
Ajandaha waxaa kamid ah sidii ciidamada Soomaaliya ula wareegi lahaayeen amniga dalka.

KAMPALA, Uganda - Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Arbacada maanta ah waxa uu gaaray magaalada Kampala ee caasimadda waddanka Uganda.

Xasan Sheekh ayaa la filayaa in uu dalkaas kaga qeyb-galo shir-madaxeedka dalalka Ciidamadooda ka qeyb-qaadanayaan xasilinta iyo nabadda dalkeenna (ATMIS).

"Dowladda Federaalka Soomaaliya ay shirka ku soo bandhigaysa sida ay uga go'an tahay in ay la wareegto amniga dalka dhammaadka sannadka soo socda," ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Madaxda ayaa ka arrinsanaya hannaanka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ay si buuxda ugula wareegi lahaayeen amniga dalka dhammaadka sannadkan iyo qorshaha Ciidamada Afrika ee ku sugan Soomaaliya ay kaga qeyb qaadanayaan howlgallada dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab".

"Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka duulaya guulaha isdabajoogga ah ee geesiyaasha Soomaaliyeed ay ka soo hoyeen howlgalka xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka argagixisada ayaa xoogga saaraya abaabulka taageerada farsamo iyo milatari ee wajiga labaad ee howlgalka lagaga cirib-tirayo khawaarijta Alshabaab dalka iyo guud ahaan gobolka," ayaa lagu soo xiray qoraalka.

Kulankan ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa xilli maalmihii lasoo dhaafay ay jireen warar ku saabsan in maamulka Xasan Sheekh uu muddo kordhin laba sano ah u raadinayo howlgalka ATMIS.

Inkasta oo Villa Soomaaliya ay beenisay warkaas, haddana natiijadda shirkan ayaa go'aamin doonta masiirka taliska ATMIS iyo haddii ay baaqi kusii ahaan doonan gudaha dalka kadib 31-da December, 2024.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM