Xasan Sheekh oo Koonfur Galbeed ku booriyey "diyaar-garow adag"

Image
Image
Image
Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kormeeray Xarunta Tababarka Ciidamada Taliska 60-aad ee Baydhabo.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeeray Xarunta Tababarka Ciidamada Taliska 60-aad ee Xoogga dalka ee magaaalada Baydhabo ayaa kula hadlay halkaas dufcadda 15-aad ee ka qalinjabisay dugsigan.

Ciidamada ayuu kula dardaarmay in ay ilaaliyaan anshaxa ciidannimo, masuuliyadda koowaadna ay ka dhigtaan badqabka, karaamada iyo nolasha muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo aan la aqbalayn in askartii ilaalin lahayd shacabka in ay iyagu ku xadgudbaan.

Wajiga labaad ee xoreynta deegaannada ayuu xusay in uu ka bilaabanaayo Koonfur-galbeed, sidaas awgeed looga baahan yahay maamulka, bulshada iyo laamaha ammaanka Koonfur-galbeed in ay dardar geliyaan abaabulka iyo diyaar-garoowga howlgalka xoreynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM