Xasan Sheekh oo “kor iyo hoos u baabi’iyey ciidamada Soomaaliya”

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sameeyay qaab dhismeed dhamaan taliska ciidanka hoos-geynaya xafiiskiisa.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan Cabdullaahi Aadan Kulane ayaa madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku eedeeyay in uu"Kor iyo hoos u baabi'iyey taliska ciidanka xoogga" isla markaana uu sameystay todoba talis oo xafiiskiisa toos uga amar-qaata.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA XILDHIBAANKA

Mudo laba sannadood gudahood ah, waxa madaxweyne Xasan Sheekh, kor iyo hoosba ku baabi’iyey ciidamadii Xoogga Dalka.

Ugu horreyn waxa laga takhalusay guutooyinkii isku dhafka ahaa ee ka soo kala jeeday dhammaan gobolada dalka oo idil.

Waxa lagu xijiyey oo cadowga loo loogay 80% saraakiishii xoogga kuwii ugu tababarka sareeyey ee lagu soo tabcay. Ugaarsiga saraakiisha iyo shirqoolada har cad lagu wada dilay in la qariyo maahee xataa hal sarkaal dilkiisa lagama jawaabin.

Laynta saraakiisha kadib waxa Madaxweynuhu bilaabay dalacsiinta iyo darajeynta saraakiil aan khibrad iyo aqoon ciidan midna lahayn balse lagu xushay YAA TIHIIN?

Intaas oo musiibaa kadib waxa Madaxweynuhu ku xijiyay in gebi ahaanba ka guuro qaab dhismeedkii ciidanka xoogga una guuro qaab aan ilaa maanta meel uu ka keenay iyo dunida meel uu ka jiro midna aan lahayn.

Waxa intaas dheer madaxweynuhu qaabka cusub ee uu u guuray oo u dhisan 7 Talis oo kala madax banaan oo Madaxwaynuhu kusoo magacaabay soo jeedinta wasiirka Gaashaanshigga, bal xagee wasiirka oo shacab ah kasoo galaa Command-ka ciidanka?

Talisyadaas waxay hoostagaan Madaxwaynaha, aaway command-kii ciidanka? muxuu xukumayaa taliyaha Xoogga? Isgarabyaacaas ma isku xukumi karaa Xoogga Dalka? Soo ma aha kala daadin ula kac ah?

Waxaas oo masiibo ah ee Ciidanka xoogga loo gaystay waxa weliba sii dheer in qolo qolaynta iyo u kala abtirinta ciidanka, sida qorshaha burburinta ciidanka ka muuqata waxa cad in Madaxweynuhu raadinayo Jabhad uu haybtooda yaqaano oo huwan magacii ciidamada dalka.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Masar oo xoojinaya iskaashiga dhanka ammaanka

Soomaaliya iyo Masar ayaa leh xiriir iskaashi xooggan oo qoto-dheer oo taariikhi ah.

  • Soomaliya

    30-06-2024

  • 05:52AM

Nairobi oo lagu qabtay Bandhiga Dhaqanka, Fanka iyo Taariikhda dadka Soomaaliyeed

Bandhigaan ayaa socon doona mudo bil ah, iyada oo la filayo in ay u soo daawasho tagaan nus milyan qof.

  • Soomaliya

    30-06-2024

  • 04:20AM