Xasan Sheekh Oo ku Baaqay Midnimo Iyo Isbedel Xilli Mudo-xileedkiisa uga haray 6 bilood

Image

MOGADISHU, Soomaaliya — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii shir guddoomiyay kulan toddobaadle ah oo Golaha Wasiirrada ka dhacay Muqdisho, isaga oo ku baaqay midnimo iyo isbedel, xilli muddo xileedkiisu ka dhiman yahay wax ka yar lix bilood, islamarkaana uu dhamaanayo May 2026.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta dhismaha dowladnimada iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku booriyay iskaashi, hufnaan, iyo isla xisaabtan dheeraad ah dhammaan hay’adaha dowladda, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska madaxtooyada.

Wasiirrada ayaa warbixin ka siiyay horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, dib-u-habaynta dhaqaalaha, iyo maamul wanaagga. Waxaa la sheegay in ciidamada Soomaaliya ay lixdii bilood ee la soo dhaafay weeraro culus ku qaadeen maleeshiyada Al-Shabaab, isla markaana la xoojiyay tababarka iyo qalabaynta ciidamada qaranka.

Goluhu waxa uu sidoo kale dib u eegis ku sameeyay miisaaniyadda qaranka ee 2026, iyaga oo sheegay in kordhinta kharashaadka la qorsheeyay ay mudnaanta siin doonto caafimaadka, waxbarashada, iyo adeegyada muhiimka ah ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa wasiirrada ku booriyay inay si firfircoon uga qayb qaataan hannaanka dimuqraadiyadda Soomaaliya, isaga oo xusay in kalsoonida shacabka iyo midnimada qaran ay ku xirnaan doonto dowladnimo loo dhan yahay oo isla xisaabtan leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM