Xasan Sheekh oo la kulmay kooxdii kala shaqeysay ololaha

Image
Madaxweynaha ayaa sheegay in uu dhowaan geli doono safar dhanka dibadda ah.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay casho sharaf u sameeyay kooxda kala shaqeysay ololihiisa doorashadda madaxtinimadda Soomaaliya, sidda uu fahansan yahay Garowe Online.

Sida ay caddeyneyso xogta uu helay warsidaha GO, inta badan kooxdii ololaha Xasan Sheekh ee xalay xaadirtey madashan ayaa ah xubno firfircoon oo ka tirsan xisbi siyaasadeedka Midowga Nabadda iyo Horumarka.

Madaxweynaha ayaa u sheegay ka qeybgaleyaasha oo ay ku jireen siyaasiyiin xilal kala duwan kasoo qabtey dalka kana mid yihiin mudaneyaal ka tirsan labada gole "in ay abaal-gashteen ayna ka fishaan natiijo wanaagsan".

"Intii uu hadlaayay wuxuu soo hadal-qaaday in uu dhowaan u bixi doono safar dibadda ah. Hase ahaatee, wuxuu niyad-qaboojiyey ka qeybgaleyaasha in uu socdaalka kadib meelayn doono," ayuu yiri qof ka qeybgaley kulankaas.

Inta badan kooxdii ololaha kala qeybgashay Xasan Sheekh ayaa ku sugan magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaga oo dhowraya in ay xilal ka qabtaan dowladda cusub.

Ra'iisul wasaaraha cusub, Xamsa Cabdi Barre, ayaa la filayaa in uu soo magacaabi gole wasiiro halkaasoo qaar kamid ah kooxda ololaha Xasan Sheekh ay rajeynayaan in ay iska dhex-arkaan.

Hadalka ku saabsan safarka ayaa imaanaya iyadda oo maalmihii lasoo dhaafay la hadal-hayay in madaxweynuhu uu u socdaali doono Kenya iyo Eritrea. Nairobi wuxuu kusoo saxiixi doonaa heshiisyo, halka Asmara u tagayo arrinta askarta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM