Xasan Sheekh oo la-tashiyo sameynaya kaddib diyaarado laga celiyay Muqdisho

Image

Muqdisho — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bilaabay kulamo gaar gaar ah oo uu la qaadanayo xubnaha Golaha Wasiirrada, kaddib dhacdo la xiriirta diyaarado lagu celiyay hawada, kuwaas oo siday ilaalada gaarka ah ee madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland.

Sida ay sheegeen ilo dowladeed, kulamada ayaa diiradda lagu saarayaa saameynta siyaasadeed, amni iyo tan dowladnimo ee go’aankaasi yeelan karo, iyadoo xukuumaddu ay raadineyso mowqif mideysan oo ay kaga jawaabto eedeymaha kasoo yeeray labada maamul-goboleed.

Diyaaradaha la celiyay ayaa siday ciidamo hordhac u ahaa wafdiyada Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyo Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), kuwaas oo la filayay in ay Muqdisho u yimaadaan wadatashi siyaasadeed oo la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo isbeddelka dastuurka.

Puntland iyo Jubaland ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka in ay khatar gelisay nolosha ilaalada iyo saraakiisha la socday, iyaga oo tallaabadaasi ku tilmaamay mid muujinaysa kalsooni-darro iyo niyad-sami la’aan. Dowladda federaalka ayaan weli si rasmi ah uga hadlin eedeymahaasi.

Dhanka kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa isna wada kulamo gaar ah oo la xiriira dhacdadan. Ilo ku dhow golaha ayaa sheegay in la filayo in saacadaha soo socda ay soo saaraan war-murtiyeed rasmi ah oo ay ku caddeynayaan mowqifkooda iyo talooyinka ay ka bixinayaan sida loo wajahayo xaaladda taagan.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli xiriirka u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada uu marayo marxalad xasaasi ah, iyadoo wadahadallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo dib-u-eegista dastuurka ay wajahayaan caqabado sii kordhaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Cambaareysay Weerarkii lagu Qaaday Madaxdii Hore ee Soomaaliya

Puntland waxay uga digtay dowladda federaalka in haddii aan si deg-deg ah heshiis looga gaadhin doorashooyinka dib u dhacay.

  • Soomaliya

    04-06-2026

  • 02:15PM

Fiqi oo ku eedeeyay Sheekh Shariif iyo Khayre inay abaabuleen afgambi ka dhan ah Xasan Sheekh

Fiqi ayaa sidoo kale ku andacooday in mucaaradku ay abaabuleen maleeshiyaad si weyn u hubeysan iyagoo ku gambanaya banaanbax nabadeed.

  • Soomaliya

    04-06-2026

  • 07:24AM