Xasan Sheekh oo lagu soo dhaweeyay magaalada Addis Ababa

Image
Villa Soomaaliya ayaa sheegtey in labada hogaamiye ay diirada saarayaan "xalinta caqabadaha amni, siyaasad iyo dhaqaale".

ADDIS ABABA, Ethiopia - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaarey magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya, halkaasoo uu kusoo dhaweeyay Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed.

Abiy oo qoraal kooban ku daabacay ciwaankiisa Twitter-ka ayaa yiri: "Kusoo dhawaaw dhulka asalka madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud. Itoobiya si diiran ayay kusoo dhaweynaysaa booqashada laba maalmood".

Villa Soomaaliya oo qoraal kooban ka faafisay socdaalka madaxweynaha ayaa sheegtey in labada hogaamiye ay diirada saarayaan "xalinta caqabadaha amni, siyaasad iyo dhaqaale".

HOOS KA DAALACO QORAAL VILLA SOOMAALIYA KASOO SAARTEY SOCDAALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah ugu ambaba-baxay dalka aan dariska nahay ee Itoobiya, taas oo dhammeystir u ah socdaalka uu ku maray dhammaan dalalka Gobolka ee Soomaali heshiis la ah darsikeeda.

Madaxweynaha ayaa Madaxda dalka Itoobiya la yeelan doona wadahadallo ku saleysan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan xal u helidda caqabadaha amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay wadajirka u wajahayaan labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ahmiyad gaar ah siinaya in dalalka Gobolku ay mideeyaan dadaalladooda ku aaddan dabar-goynta argagixisada Al-shabaab oo caqabad ku ah xasilloonida iyo nolasha shucuubta geeska Afrika, horumarinta hannaanka iskaashi ee labada dowladood, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo wax-wada qabsiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Addis-ababa waxa uu kulammo kala duwan la qaadan doonaa Jaaliyaddeenna  ku dhaqan dalkaas, si uu uga xog wareysto xaaladdooda iyo duruufaha ku xeeran, isagoona ka dhageysan doona talooyinka iyo tilmaamahooda ku aaddan horumarka iyo xasilinta dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM