Xasan Sheekh oo lasoo gaarsiiyey fariin uga timid dhigiisa Burundi

Image
Image
Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Burundi, Albert Shingiro, ayaa booqasho ku yimid caasimada Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Burundi Mudane Albert Shingiro oo booqasho ku jooga dalkeenna.

Wasiirka ayaa, sidda ay shaaca ka dhigtey Villa Soomaaliya, waxa uu Xasan Sheekh soo gaarsiiyey farriin iyo salaan uu ka siday Madaxweynaha dalkiisa Évariste Ndayishimiye.

"Dowladda Burundi ayaa hoosta ka xariiqday muhiimadda nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay u leedahay Gobolka iyo Adduunka," ayaa la raaciyey war-saxaafadeedka Madaxtooyadda.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay "in dalkiisu ay bogaadinayaan guulaha degdegga ah ee dowladda Soomaaliyeed ay ka gaartay dagaalka lagula jiro argagixisada Al-Shabaab, isagoo sheegay in dalkiisu ay garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed".

Dhankiisa, Xasan Sheekh ayaa "kala hadlay wasiirka xoojinta xiriirka Labada dal, waxa uuna xusay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay soo dhawaynayaan booqashadiisa, taas oo ka tarjumeysa hor u socodka dowladnimada Soomaaliyeed iyo dib u kabashada dalka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM