Xasan Sheekh oo lasoo gaarsiiyey fariin uga timid dhigiisa Burundi

Image
Image
Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Burundi, Albert Shingiro, ayaa booqasho ku yimid caasimada Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Burundi Mudane Albert Shingiro oo booqasho ku jooga dalkeenna.

Wasiirka ayaa, sidda ay shaaca ka dhigtey Villa Soomaaliya, waxa uu Xasan Sheekh soo gaarsiiyey farriin iyo salaan uu ka siday Madaxweynaha dalkiisa Évariste Ndayishimiye.

"Dowladda Burundi ayaa hoosta ka xariiqday muhiimadda nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay u leedahay Gobolka iyo Adduunka," ayaa la raaciyey war-saxaafadeedka Madaxtooyadda.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay "in dalkiisu ay bogaadinayaan guulaha degdegga ah ee dowladda Soomaaliyeed ay ka gaartay dagaalka lagula jiro argagixisada Al-Shabaab, isagoo sheegay in dalkiisu ay garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed".

Dhankiisa, Xasan Sheekh ayaa "kala hadlay wasiirka xoojinta xiriirka Labada dal, waxa uuna xusay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay soo dhawaynayaan booqashadiisa, taas oo ka tarjumeysa hor u socodka dowladnimada Soomaaliyeed iyo dib u kabashada dalka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM