Xasan Sheekh oo loo magacaabay agaasimaha Madaxtooyadda

Image
Maxamuud ayaa wuxuu horey u soo noqday Sanatar ka tirsan Golaha Aqalka Sare ayaa sanadkii 1982.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u magacaabay Xuseen Sheekh Maxamuud xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka, sidda ku cad digreeto.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Xuseen Sheekh uu tusaale u yahay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee dib u dhiska dowladnimada iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed oo uu ku bixiyey waqti badan.

Sida ku xusan wareegto kasoo baxay Villa Soomaaliya, madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa "Alle uga baryey in uu u fududeeyo Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka gudashada waajibaadka horyaalla".

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Waxa uuna uga mahad-celiyey Agaasimihii Hore ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise dadaalka uu bixiyey muddadii uu xilkan hayey".

Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu horey u soo noqday Sanatar ka tirsan Golaha Aqalka Sare ayaa sanadkii 1982.

Waxa uu ku dhashay magaalada Xudur ee Gobolka Bakool, waxbarashada aas-aasiga ah iyo Jaamacadda heerka 1-aadna waxa uu ku qaatay magaalada Muqdisho.

Waxbarashada heerka Labaad ee Jaamacaddana (Master Degree) waxa uu ka diyaariyey Daraasaadka Horumarinta, halka uu haatan ku guda jira takhasusuka Phd-ga ee Nabadda iyo Arrimaha Dowliga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo Ciidamo usoo diray Soomaaliya kadib codsi Xasan Sheekh u diray Erdogan

Turkiga ayaa heshiisyo shidaal baaris iyo kuwa ku ilaalinayo badda Soomaaliya la galay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    21-04-2025

  • 12:14PM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo shir deg-deg ah ku qabtay Madaxtooyada

Kulankan ayaa yimid xilli ay xaalado amni oo adag ka taagan yihiin qaar ka mid ah gobollada dalka, iyadoo dagaallo culus.

  • Soomaliya

    21-04-2025

  • 07:30AM