Xasan Sheekh oo mar kale iska diidey la kulanka Abiy Axmed

Image
Sida Garowe Online ogaadey, Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu diiday kulanka, waana markii 2aad oo uu diidayo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Mauritania iyo Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo oo ah ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ayaa isku dayay inay dhexdhexaadiyaan kulan ay rabeen inay isagu keenaan Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed magaaladda Beijing, balse waa lagu guuleysan waayay.

Sida Garowe Online ogaadey, Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu diiday kulanka, waana markii 2aad oo uu diidayo tan iyo markii xiisadda billaabatay horaantii sanadkan.

Abiy Axmed ayaa dhowr Madaxweyne - Museveni, Ruto iyo Ismaaciil Cumar Geelle la sameeyay xiriiro isaga iyo Xasan Sheekh lagu dhex-dhexaadinayo, si kiiska badda loo xaliyo. Ma guuleysan dadaalkiisa, waxaana Itoobiya hadda qorsheynaysa inay hirgeliso heshiiska Somaliland, oo cambaareyn kala kulantay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xildhibaano Soomaaliyeed oo laga qaadey xayiraad ka saarnayd EALA

Sidoo kale, dhaliilaha ayaa tilmaamay in Baarlamaanka Federaalka uu ka booday xeerarka magacaabista.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 02:41PM

Xasan Sheekh oo wadahadal u bandhigay Somaliland, balse diiday gooni-isu-taag

Khudbad si adag u qornayd ayuu madaxweynuhu kaga digay faragelin shisheeye oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 08:21AM