Xasan Sheekh oo mar kale ka dagay magaalada Baydhabo

Image
Image
Image
Image
Madaxweyne Cabdi Casiis Xasan Maxamed iyo mas’uuliyiin kale ayaa soo dhaweeyay.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhaba halkaasi oo uu ka socda wejiga labaad ee Shirka dib u heshiisiinta Koonfur-galbeed.

Safarka Madaxweynaha oo ah kii labaad ee uu ku tago magaalada Baydhabo muddo 11 maalmood gudahood ah ayaa "ku qotama xaqiijinta Koonfur-galbeed heshiis iyo sidii uu miro dhal u noqonlahaa shirka dib u heshiisiinta ee halkan uga socda hoggaanka, siyaasiyiinta iyo qaybaha bulshada Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed".

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Madaxweyne Cabdi Casiis Xasan Maxamed iyo mas’uuliyiin kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM