Xasan Sheekh oo oo amar dul-dhigtey ciidanka kasoo laabtey Eritrea

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxa uu gudaha Muqdisho kula hadlay askartan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Isniinta maanta ah waxa uu kormeeray Xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan Ciidamada lagu tababaray Ereteriya.

Xasan Sheekh oo khudbad u jeediyey cutubyadan ka kooban in ka badan 500 askari ayaa faray in ay u diyaar garoobaan ka qayb galka dagaalka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab.

Rajada dowladda iyo shacabka Soomaaliya ayuu hoosta ka xariiqay ka qabaan in ay dhammeystiraan halganka gabagabada maraya ee dalka looga ciribtirayo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida.

"Aniga iyo shacabka Soomaaliyeedba waan ku faraxsanahay dib usoo laabashadiina. Maanta wixii ka dambeeya waxaan galeynaa diyaar garoow iyo dhaqaaq aan ku wajahayno cadowga," ayuu xusay.

Wuxuu hadalkiisa raaciyey: "Waxaan rabnaa in howgalka cusub ee deegaanada dhimman lagu xoreynayo uu ka degdeg bato kii hore, muddo koobana lagu soo afjaro".

Dowladda Ereteriya ayuu uga mahadceliyey garab istaagga ay u muujisay Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed waqtiga adag ee lagu jiro dib u xoreynta dalka gaar ahaan tababarka ay siisey kumanaanka ciidamadda.

Ciidamadan ayaa lasoo celiyey dhamaadka bishii hore ee December, 2022. Qorshaha ayaa waxa uu yahay in lasoo celiyey qeyb kale bishan Janaayo, 2023. Howlgaladda ka dhanka ah Al-Shabaab ayay degdeg ugu biiri doonan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubaland oo ka digtay hubanti la’aan siyaasadeed iyo faragelin shisheeye

Ugu dambeyn, Jubaland waxay ugu baaqday madaxda siyaasadda dalka in ay mudnaanta siiyaan ilaalinta midnimada iyo xasilloonida.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 04:43PM

Puntland oo xoojisay la dagaallanka kalluumaysiga sharci-darrada ah

Soomaaliya ayaa lagu qiyaasaa inay sanadkii ku lumiso ku dhowaad 300 milyan oo doollar kalluumaysiga sharci-darrada ah.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 12:13PM