Xasan Sheekh oo saddex qodob ka codsadey Midowga Yurub

Image
Madaxweyne Kuxigeenka Midoowga Yurub ee Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga Josep Borrell ayuu hor-dhigay dalabkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo qaabilay Madaxweyne Kuxigeenka Midoowga Yurub ee Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga Josep Borrell ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo taageerada Midoowga Yurub ee Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa ka warbixiyey qorshaha dowladda ee xaslinta dalka, dib u dhiska ciidamada, abaaraha, ka hortaga macluusha, xoreynta deegaannada ay dadka Soomaaliyeed ku dhibaateynayaan argagixisada alshabaab iyo hirgelinta Soomaali heshiis ah, kana gudubta xaaladaha cakarin ee ka jira dalka.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay muhiimadda ay leedahay in lagu garab istaago dowladda Soomaaliyeed qorsheyaasha horumarineed, laguna dhiirri geliyo tallaabooyinka hor-u-socodka ah ee ay qaadeyso oo salka ku haya daris-wanaagga, iskaashiga iyo isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed.

Dhankiisa, Borrell ayaa ku bogaadiyey Madaxweyne Xasan Sheekh sida ay uga go’an tahay xal u helista caqabadaha ay la tacaalayaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan abaaraha iyo amni darrada.

Soomaaliya ayaa ka codsatay Midoowga Yurub in ay gacan xooggan ka geystaan ka hortagga xaalufka deegaanka, hubka sharci darrada iyo jariifka badda Soomaaliyeed, iyadoo dib loo dardar gelinayo dhismaha Ciidamada Badda, si dowladdu ay u xakameyso xuduudaha badeed ee Jamhruuiyadda Federaalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM