Xasan Sheekh oo shaaciyey dhabaha looga adkaan karo Al-Shabaab

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shacabka u diray fariin ku saabsan gulufka ka soconaya dalka oo dhan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta qiimaha badan ee 12-ka Oktoobar oo ku beegaan maalintii la yagleelay Calankeenna.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in maalinta Calanka ee 12-ka Oktoobar ay shacabka Soomaaliyeed ugu suntantahay maalin weyn oo halyeey Maxamed Cawaale Liibaan uu hindisay Calankeenna quruxda badan ee aan dunida kale kaga tilmaaman nahay, taas oo muujineysa sida dadka Soomaaliyeed maskaxdooda, naftooda iyo maalkooda ugu hureen gobanimada dalka iyo helidda astaan ay gaar u leeyihiin.

"Si aan u dareensiinno carruurteenna iyo jiilasha danbe maalintan qiimaha badan waa in aan xusnaa oo weynaynaa halgankii loo soo maray xornimada dalkeenna, madax-bannaanidiisa, dowladnimada iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed. Sidoo kale maanta waxaan nooga baahan xoreyn deegaannada argagixisada ay shacabka ku dhibaateeyaan"

Madaxweynaha ayaa Shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyay in ay xoojiyaan dadaallada dalka looga xoreynayo argagixisada caadeysatay gumaadka dadka Soomaaliyeed, isagoo xusay in dhabbaha kaliya ee looga guuleysan karo ay tahay midnimo, wadajir iyo xaqiijinta qorshaha dowladda ee lagu ciribtirayo argagixisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qatar oo $8 million labo diyaradooda ugu iibisay dowladda Soomaaliya

Soo dejinta diyaaradaha Akinci waxay calaamad u tahay horumar weyn oo ku saabsan xoojinta iskaashiga militari ee Turkiga iyo Soomaaliya.

  • Soomaliya

    18-03-2025

  • 12:02PM

Turkiga Oo Diyaaradaha Akinci ee Casriga ah usoo diraya Soomaaliya

Tani waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee khatarta ku ah nabadda dalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    17-03-2025

  • 02:04PM