Xasan Sheekh oo sharaxay muhiimada Turkigu u leeyahay Soomaaliya

Image
Madaxweynaha cusub ee 66-jirka ah ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay dib u heshiisiin siyaasadeed.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysigiisii ugu horeeyay ee heer caalami ah siiyay Wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu ayaa sheegay in Turkiga uu taabtay quluubta shacabka Soomaaliyeed, maadaama uu saameyn muuqda uu ku leeyahay Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Axadii Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ku doorteen Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, isagoo ka guuleystay Madaxweynaha xilka ka degaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Sida aan sheegay shacabka Turkiga iyo dowladda Turkiga waxay saameyn weyn ku leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, taageerada Turkiga waxay taabatay quluubta iyo maskaxda shacabka Soomaaliyeed, taageeradaasi waxay ahayd mid muuqata oo la taaban karo, waxayna badbaadisay nafaf badan oo Soomaaliyeed. ” ayuu yiri madaxweynaha cusub oo la hadlay wakaaladda Anadolu ee caasimadda Muqdisho.

Waxa uu sheegay in Turkiga uu taageero gargaarka bini’aadantinimo ee Soomaaliya isagoo dhanka waxbarashada ka bixinaya ilaa heer jaamacadeed.

Madaxweynaha la doortay Maxamuud ayaa sheegay in Turkiga uu tababaro heer sare ah siiyo ciidamada ammaanka ee Geeska Afrika.

“Turkiga waxa uu bixiyaa tababaro uu siiyo saraakiil tayo sare leh oo dhanka amaanka ah,iyado tababaro aan ku ekeyn Turkiga oo kaliya balse halkan Soomaaliya iyo qalabeynta ay siinayaan dhammaan agabka lagama maarmaanka u ah in ay ku fuliyaan waxa ay ku barteen Turkiga,”ayuu yiri.

Waxa uu intaa ku daray in Turkiga uu leeyahay mowqif gaar ah oo ku wajahan quluubta Soomaaliya.

"Arrinta ugu adag ee Soomaaliya ka taagan waa ammaanka"

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo taabtay muhiimada amaanka ayaa yiri: "Maanta, arrinta Soomaaliya ugu dhibka badan waa ammaanka."

Waxaa uu sheegay in ay sii socon doonaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab oo ah kooxihii soo baxay bur burkii Maxkamadihii Islaamka ka dib ee la aas aasay dagaaladii sokeeye kadib.

Maxamuud ayaa sheegay in marka laga soo tago tilaabo kasta oo loo qaaday daryeelka shacabka, haddana aysan Soomaaliya ka gaari karin guul uu ka rajaynayay inuu ka gaaro arrimahan.

Dib-u-heshiisiinta siyaasadda Soomaaliya

Madaxweynaha cusub ee 66-jirka ah ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay dib u heshiisiin siyaasadeed.

 “Doorasho kasta waxaa ku jira kuwa laga adkaaday iyo kuwa guuleystay, waxa muhiimka ah doorashada ka dib waa in aan sameyno qaab caafimaad oo kuwa laga guuleystay iyo kuwa guuleystay ay wada fariistaan, ka doodaan, isla markaana ay wadaagaan mustaqbalka,” ayuu yiri.

Maxamuud oo ballan qaaday in ay dhageysan doonaan dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay doonayaan in ay furaan masraxa siyaasadda oo sanadihii u dambeeyay ahaa mid ciriiri ah oo xirnaa.

Wuxuu yiri: "Waxay ku saabsan tahay, mar kale, in horay loo sii wado dib u heshiisiinta, ma ahan dib-u-heshiisiinta bulshada ee waa dib-u-heshiisiinta, in la meel dhigo arrimaha la isku hayo, dadkana laga codsado inay si xor iyo xalaal ah uga wada hadlaan."

Xasilooni siyaasadeed, dastuurka oo ka mid ah ajandayaasha mudnaanta leh

Waxa uu hoosta ka xariiqay in arrimaha ugu muhiimsan ee ka dambeeya amniga ay yihiin xasillooni siyaasadeed iyo dhisidda dowlad dimoqraadi ah, Maxamuud ayaa yiri: “Xasilooni siyaasadeed waxa ay ka dhigan tahay dhisidda aasaaska dowlad dimuqraadi ah, dhameystirka dastuurka, dejinta shuruuc doorasho, nidaamka xisbiyada siyaasadda, xisbiyo siyaasadeed. sharciyada, nidaamka maamulka deegaanka."

"Dhammaan kuwaan waa inay ahaadaan ajande si heshiis ah loogu heshiiyey dadka Soomaaliyeed," ayuu raaciyay.

Mar uu soo hadal qaaday qorshaha ka bixitaanka Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya oo muddo sanado ah ka howlgalayay gudaha dalka, ayna ku jiraan ku dhawaad ​​20,000 oo askari oo Afrikaan ah, ayuu sheegay in ciidamada Midowga Afrika ay qorsheynayeen inay dalka ka baxaan muddo dheer ka hor, balse aysan ku guuleysan.

Isagoo xusay in ciidamada Midowga Afrika ay wax badan u soo qabteen Soomaaliya, isla markaana ay soo gaareen khasaare baaxad leh, Maxamuud ayaa sheegay in marka tallaabo-tallaabo loo qaado hannaanka amniga dalka ay suuragal tahay in muddo kooban lagu wareejiyo ammaanka.

Turkiga oo hambalyo u diray madaxweynaha cusub.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay in wax lagu farxo ay tahay in si habsami leh ay ku soo dhamaadeen doorashadii Madaxtinimada Soomaaliya ee Axadii shalay ka dhacday dalkaasi.

“Waxaan u hambalyeyneynaa Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana u rajeyneynaa guul inta uu xilka hayo,” ayay tiri Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.

“Waxaan muhiimad gaar ah siinaa nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya oo uu ka dhaxeeyo xiriir taariikhi ah oo qoto-dheer, waxaana rajeyneynaa in natiijada doorashada ay noqoto mid u horseeda shacabka Soomaaliyeed ee saaxiibada iyo walaalaha ah” ayay sii raacisay.

“Turkigu wuxuu sii wadi doonaa garab istaagga shacabka Soomaaliyeed iyo garab istaagga dowladda Federaalka Soomaaliya si dalka looga hirgeliyo amni, xasillooni iyo barwaaqo xilligaan cusub.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee kursiga ka dega ee haddana dib loo doorto, wuxuu hoggaanka dalka kusoo laabtay shan sano kadib markii uu ka tegay, ayada oo xaaladdii uu dalka uga tegay aanay wax badan iska beddelin

Farxadda shacabka ka muuqata ayaad mararka qaar u maleyneysaa inay aheyd sida dad sanado badan xabsi ku jiray oo dib u helay xoriyaddooda, iyo sida dad mugdi ku hoyday habeeno badan oo iftiinkii uu usoo bidhaamay.

Rajada shacabka ay ka qabaan madaxweynaha ayaa ah mid aad u sareysa, ayaga oo ku kalsoon inuu dib u qaban doono shaqadii wanaagsaneyn ee uu qabtay muddadii hore ee uu xilka hayey 2012 illaa 2017.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo baahiyay Muuqaalka Weerarada Cirka ee Mareykanka Ka Fuliyay Puntland

Madaxweyne Trump ayaa sheegay sabtidii in duqeynta lagu beegsanayay "Qorsheeyaha Weerarrada Daacish iyo xubno kale oo uu hogaaminayay."

  • Soomaliya

    04-02-2025

  • 08:23AM

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo laga joojiyay qorshe muran badan dhaliyay

Sidoo kale, Waxaa la faray hay’adaha ku shaqada leh arintan lagu dhacayo dadka inay si degdeg ah u joojiyaan, illaa amar dambe.

  • Soomaliya

    03-02-2025

  • 04:23PM