Xasan Sheekh oo su'aal geliyay xuquuqda Muwaadinimo 10 milyan oo Soomaali ah

Image

MOGADISHU – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shaaciyey in in ka badan 10 milyan oo qof ay haystaan baasaboorka Soomaaliya, iyada oo aan si cad loo ogeyn sida iyo habka ay ku heleen, taas oo keentay walaac ku saabsan amniga iyo maamul xumo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda ay ku jirto dadaal lagu saxayo habka loo bixiyo baasaboorka, islamarkaana la doonayo in mustaqbalka adeegyada dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay lagu xiro Kaarka Aqoonsiga Qaranka (NIRA ID) halkii laga isticmaali lahaa baasaboorka.

“Waxaan ku dhawaaqaynaa in adeegyada dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay laga doonayo inay isticmaalaan Kaarka Aqoonsiga Qaranka, si loo xoojiyo amniga iyo hufnaanta,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Xasan Sheekh ayaa si adag uga digay hay’ad kasta oo diida fulinta nidaamka aqoonsiga qaranka, isagoo ku tilmaamay inay yihiin “dambiile qaran” kuwa ka hortaga hirgelinta nidaamka.

“Qof kasta oo fududeeya in aan la dhaqan-gelin kaarka aqoonsiga qaranka waa dambiile qaran. Wuxuu waddo u furaa argagixisada, tuugada, iyo ajaanibta sharcidarrada ah,” ayuu intaa ku daray Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in qofka aan wadan kaarka aqoonsiga uu mustaqbalka waayi doono xuquuqda muwaadinnimo, isla markaana adeeg kasta oo dowladda ah lagu heli doono aqoonsiga qaranka oo keliya.

Tan iyo markii la hirgeliyay nidaamka NIRA, waxaa kaarka aqoonsiga qaatay ilaa nus milyan oo qof, hase yeeshee Madaxweynaha ayaa tilmaamay in la doonayo in ugu yaraan 20 milyan oo Soomaali ah ay qaataan kaarka.

Si kastaba, maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa weli diidan in ay qaataan kuna dhaqangeliyaan nidaamka aqoonsiga qaranka, taasoo caqabad ku ah fulinta siyaasadda federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM