Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Image

MUQDISHO - Hoggaamiyeyaasha dalalka Kenya, Uganda, Tanzania iyo Jabuuti ayaa muujiyay taageero buuxda oo ay u hayaan madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Arrintan ayaa timid kaddib markii Israa’iil noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya, inay tahay “dal madax-bannaan oo qaran ah.”

Hoggaamiyeyaasha gobolka ayaa carrabka ku adkeeyay in aqoonsi kasta oo loo sameeyo dhul ka tirsan dal xubin ka ah Qaramada Midoobay uu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah Axdiga Qaramada Midoobay, mabda’a Midowga Afrika ee ilaalinta midnimada dhuleed, iyo xeerarka caalamiga ah ee la aqoonsan yahay.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed Sabtidii ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadatashi dhanka telefoonka ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha gobolka, oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Kenya William Ruto, Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Xasan, iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Wadatashiyadan ayaa diiradda lagu saaray tallaabada ay qaadday Israa’iil, taas oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ku tilmaantay mid dhaawaceysa madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka, isla markaana jabinaya sharciga caalamiga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu sii wadi doono wadatashiyada uu la yeelanayo hoggaamiyeyaasha caalamka, si loo isku duwo dhammaan tallaabooyinka diblomaasiyadeed, sharci iyo siyaasadeed ee lagama maarmaanka u ah ilaalinta midnimada, qaranimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Jimcihii, Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha ayaa yeeshay kulan degdeg ah, iyagoo si adag u cambaareeyay aqoonsiga ay Israa’iil u sameysay Somaliland, mar kale xaqiijiyayna in Somaliland ay tahay qayb aan ka go’i karin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM