Xasan Sheekh oo warbixin la wadaagay ergayga cusub ee UN-ka

Image
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Catriona Laing ayaa wadahadalo ku yeeshay xarunta Madaxtooyadda ee Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu u soo magacaabay dalkeenna Marwo Catriona Laing.

Xasan Sheekh iyo Danjire Catriona Laing ayaa, sidda uu sheegay xafiiskiisa, waxa ay "ka wadahadleen dardargelinta howlaha muhiimka ah ee Xafiiska Qaramada Midoobay uu ka taageero dowladda Soomaaliya".

"Madaxweynaha ayaa la wadaagay dadaallada dowladdu ku bixinayso dhinacyada la dagaallanka argagixisada, kobcinta dhaqaalaha, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay si wax looga qabto caqabadaha bini'aadannimo ee ka jira goobaha laga saaray argagixisada," ayay tiri Villa Soomaaliya.

Dhankeeda, Ambasadoor Catriona Laing ayaa Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadcelisay soo dhaweynta diirran ay kala kulantay, sidda laga soo xigtey war-saxaafadeedka.

Catriona ayaa "bogaadisay guulaha laga gaaray dagaalka qawaarijta looga xoreynayo dalkeenna, waxa ayna tilmaantay in howlgalkeeda cusub uu xoogga saari-doono adkeynta wada-shaqeynta, sare u qaadidda taaageerada amniga, siyaasadda iyo gargaarka bini'aadannimo".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM